Wednesday, July 16, 2014

Maskax iyo fahan badanaa… Qiso dhab ah

Imaamu Shaafici ayay u timi gabadh cabanaysa oo ashkato ah,  waxayna tidhi:  ‘Shaaficiyow  walaalkay ayaa dhintay dabeed dhaxalkiisii ayaa layga siiyey hal dirham miyaan helay intaas?’ Inta aanu waydiin waxa ninkaasi xoolo uu ka tegay ayuu waydiiyey, ‘Shaafici: oo walaalkaa ma wuxuu ka tegay 600 oo dirham? Dadka uu ka tegayna ma waxay ahaayeen kuwan;

-Hooyadii.

- Laba hablood oo uu dhalay.

- Xaaskiisii.

- Iyo 12 wiil oo walaaladii ah iyo adiga oo keliya,

Markaasay tidhi : Haa waa sidaas aad sheegtay Sheekh, oo yaa kuu sheegay?’

Wuxuu yidhi: ‘Waa sax inaad ka heshay 1 dirham dhaxalkii walaalkaa,’ waxaana loo dhaxlay sidatan:

Guud ahaan waa 600 dirham

- Hooyadii waxay helaysaa sudus oo la mid ah  100 dirham.

- Gabadhiisii waxay helaysaa sumun oo la mid ah  75 dirham.

- Hablihiisii waxay helayaan Sulusaan oo la mid ah  400 dirham.

- Walaaladii waxaa u soo hadhay 25 dirham waana 13  oo kala ah 12 nin oo leh midkiiba laba 12x2 = 24 inantuna waxay helaysaa 1 Dirham sidaas ayaad, ku yeelatay halka Dirham.

Waana sidan xisaabtu iyadoo urursan.

- 100 hooyadii + 75 xaaskiisii+ 400 hablihiisii+ 24 wiilashii walaalada ay ahaayeen +1 walaashii = 600 Dirham.

Qisadan waxaan ka fahanay arimahan.

- In loo dedaalo cilmiga lana barto.

- In haddii aad masalo garan waydo la waydiiyo dadka aqoonta u leh.

- In cidda aad cilmiga waydiinaysaa noqoto cid cilmiga u ehel ah,

- In caalimku uu ku qanciyo ciddii wax waydiisa cilmi iyo daliil cad oo Qur’aanka uu cuskanayo iyo xadiiska iyo Ijmaaca.

- In caalimka ay waajib ku tahay inuu culuumta oo dhan si fiican u yaqaan ee diiniga ah khaasatan waa lagama maarmaan inuu cilmiga dhaxalka aad u yaqaano waayo waxaa jirta in Xabiibkeenu  SCW  yidhi: “Cilmiga ugu horeeya ee la waayi doonaa waa Cilmiga Dhaxalka.”

- Waxaynu kale oo ka fahanay qisadan Cabqarinimada  iyo aqoontiisa xeesha dheerayd ee Imaamu Shaafici Raxmatulaahi Calayhi.

 

Alle ha ina Fahansiiyo Diinteena Macaan.

Hussein Jaamac guudcade

Diintuwaanasteexo1@gmail.com

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment