
Al-amiin ayaa intaas raaciyey in waqti dheer iyo weliba malaayiin doolar loo baahan doono si dayactir loogu sameeyo diyaaradaha uu duqeyntaas khasaaruhu kasoo gaadhay.
Cidda duqeynta geysatay mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in ay yihiin mileeshiyo beeleed ku kacsan mileeshiyo kale oo lagu magacaabo kacdoon-wadeyaasha Zintaan oo iyagu xilligan garoonka Tiriboli maamula.
Shir aan caadi ahayn oo maalinimmadii shalay ay yeesheen Golaha Wasiirrada ee Liibiya, ayaa laga soo saaray go'aamo dhowr ah, waxaana kamid ahaa in la dalbado faragelin militeri oo caalami ah si xaaladda loo dejiyo.
Qaramada Midoobay ayaa bilowday Isniintii shalay in ay shaqaalaheeda ka daad gureysato dalka Liibiya, kaddib markii ay soo xumaatay xaaladda ammaan ee magaalooyinka Tiriboli iyo magaalada kale ee Banqaazi oo iyadu bariga dalkaas ku taalla.
Tan iyo markii meesha laga saaray dowladdii uu hoggaminayey Mucammar Al-qaddaafi, waxaa kasoo daraysay xaaladda ammaan iyo midda dhaqaale ee dalka Liibiya, iaydoo fawdada kalku galay ay Hormood ka yihiin Maleeshiyo Beeleedyo iska soo horjeeda oo aan cidna ka Amar qaadanaynini
Himilo Media
No comments:
Post a Comment