Saturday, July 12, 2014

Masuul Xil Sare ka Haya Dawladda Britain Oo Shaki Geliyey Nabadgelyada Somaliland ka Jirta

London:July,12,2014(Himilo)-Xukuumadda Waddanka Ingiriiska ayaa markale soo saartay War dhiillo leh oo ka dhan ah Ammaanka Dalka Somaliland.

mawr5kwWasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mark Simmonds, oo 10 Jully aqalka Baarlamaanka Ingiriiska hortagay, ayaa wuxuu sheegay in Hargeysa iyo Berbera loo tagi karo arrimaha muhiimka ah oo keliya.

Andrew Rosindel ayaa wasiirka weydiiyay tirada muwaadiniinta Ingiriiska ah ee caawimo safaaradeed oo deg deg ah uga baahatay afartii sannadood ee u dambeeyay iyagoo ku sugnaa Somaliya, wuxuu yidhi “Ma awoodno inaanu Somaliya ku siino caawimo qunsiliyadeed oo toos ah.” Ayuu yidhi wasiir Mark Simmonds, waxaanu isagoo tilmaamaya in Hargeysa iyo Berbera loo tegi karo oo keliya arrimaha muhiimka ah.

“Hase yeeshe, iyadoo aanu ku talinayno inaan Somaliya oo dhan loo socdaalin marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, oo aanu cid kasta kala talinayno marka laga reebo safarada lagama maarmaanka ah, waxaanu siinay caawimo qunsuliyadeeda muwaadiniita Biritishka ah ee ku sugan Somaliya annagoo u marina safaaradayada Addis Ababa iyo guddiga sare ee Nayrobi.”  Ayuu yidhi Mark Simmonds

Waxa uu wasiirku soo bandhigay tirada dadka uga baahatay caawimada, waxaanu yidhi “Sannadkan waxa jiray ilaa hadda saddex dhacdo. 17 dhacdo ayaa jiray sanandkii 2013-2014, 2012-2013 sagaal dhacdo ayaa jiray, 10 dhacdo ayaa jiray sannadkii 2010-11.”

Wasiirkan Ingiriiska ayaa safar uu bishii April ee sannadkan Hargeysa ku yimid, wuxuu ku sheegay inay hoos u dhigeen cabsidii amni ee ay Somaliland ka soo sareen,waxaanu Hargeysa kaga dhawaaqay in magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ay muwaadiniinta Ingiriisku tegi karaan, balse ay magaaloyinkan laftooda u tegi karaan arrimaha muhiimka ah.

Warkan ka soo yeedhay Masuulkan sare eek a tirsan Dawladda Ingiriiska oo saaxiib dhaw la ah Somaliland, ayaa ah mid aanay jeclayan xukuumadda iyo shacabka Somaliland, waxana wali aan  si rasmi ah loo haynin Waxa uu sida runta ah uga biyo diidsan  yahay Dalka Ingiriisku.

 

 

 Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment