
Waxa kale oo uu tilmaamay xildhibaanku inuu waraabe ka cunay madaxa, taasoo sababtay in la garan waayo haybteeda, waxaana lagu aasay maydka gabadhaas magaalada Hargeysa oo markii dambe loo soo gudbiyey.
Si kastaba ha ahaatee waxa bilaha xagaaga ka dhaca deegaannada banka ah ee gobolka Selal dadka uu saameeyo haraadka, isla markaana qaarkood u dhintaan.
Dadka Halkaas Harraadka ugu dhinta ayaa u badan kuwo aan Meesha cilmi u lahayn oo ka yimaadda Dalalka Somalia iyo Ethiopia.
Dhinaca kale magaalada Saylac ayaa maalintii tobnaad biyo la’a taas oo keentay inay dadka danyarta ahi ku adkaato nolol maalmeedka dhinaca biyaha, balse ay ilaa hada la il daran yihiin xaaladdaas biyo la’aaneed.
waa markii u horeysay ee magaalada Saylac laga waayo muddo toban maalmood ka badan, mana jrto ilaa hadda cid masuul ah oo ka hadashay.
Himilo Medida
No comments:
Post a Comment