Wednesday, July 2, 2014

Ujeeddada Kulan Badhasaabka Awdal la Qaatay Guddi 15 Xubnood oo Cuqaasha Gobolka metalaya

Boorama, 02 July, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayer, ayaa shalay xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddi Cuqaal ah oo ka kooban 15 Xubnood oo Cuqaasha gobolkaas ku meteli doona Isku-xidhka bulshada iyo Maamulka gobolka.

Cabdoo Axmed AayirBadhasaabka gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir ayaa ujeeddada kulanka uu la qaatay madax-dhaqameedka gobolka, gaar ahaan cuqaasha ku tilmaamay mid dib loogu soo noolaynayo kaalinta ay Cuqaashu ku leeyihiin isku xidhka bulshada iyo maamulka.

Badhasaabku waxa uu sheegay in ay maamul ahaan cuqaasha gobolka ka dalbadeen inay iska soo dhex xulaan 15 Xubnood oo guddi ah oo madax-dhaqameedka iyo bulshada gobolka u metela wada-shaqaynta ka dhaxaysa maamulka gobolka iyo dawladdaba.

Guddoomiyuhu isaga oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi,“Cuqaashu waa kuwii bulshada inoogu fara-dhuudhuubnaa, waa odayaashii ay bulshada u igman lahayn, ujeeddada yeedhistayaduna waxay ahayd inaanu dib u habayno oo u tayaysiinno oo masuuliyaddii ay lahaayeen ay dib u hantaan. Si ay nabad-gelyada gobolka, kan degmada iyo isku-xidhka bulshada iyo ta xukuumadda waajibaadkooda uga gutaan.”

“Waxa kale oo aan ugu yeedhnay, Cuqaashu way fara-badan yihiin, sidaa dartood inay yeeshaan guddi kooban oo iyaga maamulkii u dhexeeyaa, taas oo iyagu dhexdooda ay iska soo magacaabeen 15 caaqil, kuwaas oo aanu annaguna kulan gaar ah la qaadanney, kuwaas oo isku xidhi doona bulshada iyo maamulka dawliga ahi, waxaananu ka shaqayn doonaan wax allaale wixii dantu ku jirto ee nabad-gelyadu ugu horeyso ee fulinta siyaasadda Qaranka ah, ayay wakiil uga noqon doonaan cuqaasha bulshada,” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir.

Himilomedia.com         

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment