Qof Isagoon Waxba Cunin ama Cabin Niyaystay Inuu Soonka Jabiyo
1. Su’aal: Haddii qof si kama dambaysa u niyaysto inuu soonka jabiyo isagoon wax cunin ama cabin, miyuu soonkiisu jabayaa?
Jawaab: Waxa la ogyahay inuu soonku ka kooban yahay niyad iyo ka fogaanta waxa soonka jabiya, qofku wuxuu niyaystaa inuu soonkiisa Alle ugu dhawaado isagoo ka tagaya waxyaabaha soonka jabiya, hadduuse go'aansado inuu ficil ahaan u jabiyay soonkiisii, kolkaasi soonkiisu wuu jabay. Hadduu soon Ramadaan yahayna waxa ku waajiba inuu ka fogaado waxyaabaha soonka jabiya ilaa cadceed dhaca, waayo qof walba oo cudurdaar la'aan ku afuray maalin Ramadaan waxa ku waajiba inuu inta maalinta ka hadhay ka fogaado waxyaabaha soonka jabiya iyo inuu maalintaa qalleeyo.
Qofkiise aan go’aansan (inuu soonka jabiyo) ee wali isku haya inuu jabiyo iyo in kale, kaasi arrinkiisa culimadu way isku khilaafeen:
Waxa ka mida kuwo yidhi: Soonkiisu wuu burayaa, waayo go’aan li’idu waxay lid ku tahay go’aanka.
Kuwo kale ayaa yidhi: Soonkiisu ma burayo. Waayo waxa asala oo la tix gelinayaa inay niyadu jirto ilaa uu go’aansado inuu gooyo oo uu suuliyo. Kan (ra’yigan) ayaan rajaxayaa xoog ahaantiisa awgeed, Ilaahay ayaa u cilmi leh.
Sh. Ibnu Cusaymiin
Qof Wali Wax cunaya iyadoo loo Adimayo Subixii
2.Su'aal: Akhristaha C.Al-Faaris ayaa doonaya inuu ogaado xukunka shareecada ee ku saabsan soonka qof isagoo maqlaya adaankii subaxa hadana wax iska cunaya oo cabaya?
Jawaab: Qofka mu'minka ah waxa ku waajiba inuu ka joogsado waxyaabaha soonka jabiya sida cunada, cabitaanka iwm haddii ay u cadaato inuu waagii baryay, soonkuna yahay farad sida Ramadaan, soonka nadarka iyo soonka kafaaro gudka. Waayo Allaah ayaa yidhi:
{Cuna oo caba ilaa ay idiin kala cadaadaan khadka cad (waaga) iyo khadka madow (habeenka) ee waqtiga fajarku, soonkana dhamaystira ilaa habeenka}
Haddii uu qofku maqlo adaanka, ogaadana in loo adimayo fajarkii waxa waajib ku ah inuu ka joogsado waxyaabaha soonka jabiya, haddiise uu mu'adinku adimayo waabariga ka hor ama ka dib kolkaasi waxay badbaadadu (الأحوط) ku jirtaa inuu iska joojiyo waxa soonka jabiya markuu maqlo adaanka. Dhibna gaadhimayso haddii uu wax cuno ama cabo xillaga adinka, waayo wali kama warqabo inuu waagii baryay.
Waxa la ogyahay in qofka ku dhex nool magaalooyinka laydhadhka lihi aanu xilliga waago baryayo awoodin inuu garto in waagii si dhaba u baryay iyo in kale. Waxase la gudboon inuu dadaalo isagoo kaashanaya adaanka iyo jadwalada kuu sheegaya saacadda iyo daqiiqada uu waagu baryayo, isagoo ku camalfalaya hadalka Nabiga SCW
(Ka tag wixii ku shaki galiya oo ku camal fal wixii aan ku shaki galin)
((Qofkii ka dhowrsada arimaha shakigu ku jiro waxa uu badbaadiyay diintiisa iyo sharafkiisa)).
Allaana bixiya towfiiqda.
Sh.Ibnu Baaz
Qof Wax Cunay Iyadoo la Adimayo ama Wax yar Adaanka ka Bacdi
3. Su'aal: Alle tacaalaa waxa uu yidhi:
{Cuna oo caba ilaa ay idiin kala cadaadaan khadka cad (waaga) iyo khadka madow (habeenka) ee waqtiga fajarku, soonkana dhamaystira ilaa habeenka}.
Waa maxay xukunka qofka suxuurtiisa iska dhamaysta biyana caba xiliga adaanka ama rubuc saac ka dib adaanka?
Jawaab: Haddii qofka su'aashan ku xusani ogyahay in xilliga uu wax cunay waxna cabay ka horeeyay waabariga, qale isaga kuma waajibin. Haddiise uu ogaado inuu wax cunay waxna cabay waabariga ka dib, kolkaasi qale ayaa ku waajiba. Haddiise uu kala garanwaayo in xilliga uu wax cunay ee cabay ahaa waabariga ka hor ama kadib kolkaasi qale kuma waajibin, waayo waxa la xukumayaa in ay habeen tahay illaa ay cadaato inuu waagii baryay. Waxase qofka mu'minka ah u haboon inuu soonkiisa ilaashado, oo markuu adaanka maqlo ka istaago waxyaabaha soonka buriya, ilaa uu ogyahay mooyee in mu'adinku adimayo waqtigii subaxa ka hor.
Sh.Ibnu Baaz
Soonka Isku xidhiidhsan (Wisaalka)
4. Su’aal: Waa maxay soonka wisaalku (laysku dabaqabto), miyuuse yahay sunne?
Jawaab: Soonka wisaalku waa inuu qofku soonka isku daba qabto laba maalmood oo isku xiga isagoon afurin, Nabiguna SCW wuu nahyiyay soonka sidana wuxuuna yidhi:
((Qofkii doonaya inuu soonka isku daboqabtaa ha sameeyo ilaa suxuurta)).
Soonka oo laysku daba qabto ilaa waqtiga suxuurtuna waa banaanyahay, hasayeeshee sida sunnaha waafaqsan ee Rasuulkuna SCW inagu dhiiriyay waa in afurka la dadajiyo wuxuuna Nabigu SCW yidhi:
((Dadku khayr ayey ku sugnaan inta ay afurka dedejiyaan)).
Waxase uu u banneeyay inay soonku isku dabaqaban karaan markay ku yidhaahdeen Rasuulkii Ilaahayow SCW adiguba waad isku daba qabataa soonka, wuxuu ku yidhi:
(( Anigu sidiina ma ihi)).
Sh. Ibnu Cusaymiin
Matagu Miyuu Soonka Jabiyaa?
5. Su’aal: Matagu miyuu jabiyaa soonka?
Jawaab: Haddii qofka soomani dhaawacmo, gororo (sanka dhiig ka yimaado), matago, biyo ama batrool ku siibtaan dhuuntiisa (cunaha) isagoon u qasdiyin, arrimahaas oo dhami ma jabinayaan soonka, hayeeshee qofkii ukas iskaga matajiya soonkiisu wuu buray siduu Nabigu SCW yidhi:
((Qofkii matagu soo jiidho qale laguma laha kiise iska matajiya waxa ku waajiba qale)).
Sh.Ibnu Baaz
Indhokuushu Soonka Ma Jabiso
6. Su'aal: Waa maxay xukunka qofka sooman ee indho-kuusha?
Jawaab: Waxba kuma jabna inuu qofka soomani indho kuusho iyo inuu indhihiisa ku dhibciyo dawo midna, sidoo kale waxba kuma jabna inuu dhagahiisa dawo ku dhibciyo xitaa hadii uu dhadhankeeda ka dareemo dhuuntiisa soonkiisu ma jabayo. Waayo cunto iyo cabid midna maaha, lamana mid aha cabid iyo cunno (raashin la quuto), Daliilkana waxa lagu caddeeyay in la manciyay cunada iyo cabida, kolkaasi waa in xukunkaasi aan lagu darin wixii aan cunada iyo cabidda la mid ahayn. Sidaasi aanu sheegnayna waxa qaba Sheekhul Islaam ibnu Taymiye Allaah ha u naxariistee, sidaasi ayaana saxa. Haddiise uu qofku sankiisa dawo ku dhibciyo dabeetana ay gudihiisa gasho isaga sidaasi soonkiisu wuu ku jabayaa, waa hadduu u qasdiyay, sida ku sugan qowlka Nabiga SCW
((Sandaarsiga ku xeel dheerow, adigoo sooman mooyee)).
Sh. Ibnu Cusaymiin
Biyo Ayaa Ku Siibtay Isagoon u Qasdiyin
7.Su'aal: Nin sooman ayaa isagoo maydhanaya ayaa isagoon u qasdiyin ay biyihii galeen gudihiisa xooga biyuhu ku socdaan awgii, ma qalle ayaa ku waajiba isaga?
Jawaab: Qalle waajib kuma aha, waayo umuu kasin, xukunkiisuna wuxuu la mid yahay qofka la qasbay iyo qofka illowsan (hilmaamsan)
Sh.Ibnu Baaz
Luqluqashada Qofka Sooman
8. Su'aal: Hadduu luqluqdo qofka soomani ama sandaarsado oo biyuhu galaan gudihiisa miyuu soonkii ka jabayaa?
Jawaab: Hadduu luqluqdo qofka soomani ama sandaarsado oo biyuhu galaan gudihiisa soonku kama jabayo, waayo umuu kasin, Allena koreeyee wuxuu yidhi:
{Dambi idinkama saarna waxaad ku gaftaan, laakiinse (waxa laydin weydiin) wixii ay u kasto quluubtiinu}.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment