
Haya’ddu waxay Warbixinteeda ku sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee isu-diiwaan-geliyey inay deegaannadooda ay markii hore ka qaxeen eek u dhaqan Xeryaha Qaxoontiga Dhadhaab ee dalka Kenya ee Hay’addaas iska diiwaangeliyey inay noqonayaan in qofkiiba la siin doono lacag Konton Doollar oo sahay u noqoto ah, halka qofka jilicsan ay Hay’addu sheegtay inay siin doonto lacag dhan Toddobaatan Doollar.
Waxay Hay’adda UNHCR oo Warbixinteeda sii wadatay intaas ku dartay in aan dadka Qaxoontiga ah eek u soo laabanaya deegaannadooda sidaas lagaga hadhi doonin ee ay ka war-hayn doonto Hay’ad ahaan, isla markaana ay baahiyahooda wax ka qaban doonaan Hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala deegaannada ay ku laabanayaan dadkaasi.
Bishii Novermber ee sannadkii 2013-dii ayay ahayd markii uu Shir saddex-geesood ahi ka qabsoomay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaasoo ay isku hor-fadhiisteen dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Qaxoontiga ee UNHCR, kaasoo ay kaga wadahadleen dib-u-celinta Qaxoontiga Soomaaliyeed ee Xeryaha Qaxoontiga ee Kenya ku jira, kuwaasoo dood dheer ka dib la isla qaatay inaan si qasab ah deegaannadooda Soomaaliya loogu celinnin Qaxoontigaas, balse ciddii si iskeeed ah u go’aansata inay dalkeeda ku noqoto uun la soo celiyo, maaddaama oo ay gobollo badan oo Soomaaliya ka tirsan dawladdu gacanta ku haynin, nabadgelyo buuxdaana ka jirin.
Hase-yeeshee, dadka haatan ay Hay’addu sheegtay inay soo noqonayaan oo ay Sahay lacageed oo kooban siinayso, ayaa ah dad si iskood ah u go’aansaday inay dib ugu soo laabtaan dalkooda Hooyo ee Soomaaliya, ka dib markii ay ku adkaatay nolosha qallafsan ee ka jirta gudaha Xeryaha Qaxoontiga Kenya iyo korodhka dhibaataynta Ciidammada Kenya ay ku hayaan Soomaalida dalkeeda ku dhaqan oo saamayn taban ku yeelatay Soomaalida dalkaas ku nool.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment