Saturday, July 19, 2014

Qunsulka Turkiga oo Kulan la Qaatay Masuuliyiin ka tirsan Dawladda, Ururrada bulshada iyo Ganacsato Ajaanib iyo Muwaadiniin isugu jirta

Hargeysa, 19 July, 2014 (Himilo)- Qunsulka Guud ee dawladda Turkiga u fadhiya Somaliland Mr Muzaffer  Yüksel, ayaa magaalada Hargeysa kulan Aftir ah la qaatay masuuliyiin ka tirsan Dawladda iyo xubno ka mid ah bulshada rayidka ah todobaadkii hore.

QunsulakMasuuliyiinta Dawladda ee kulanka Aftirka ah la qaatay Qunsulka Turkiga ee Somaliland, waxa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Axmed, Wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Cabdilaahi, Wasiirka Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye, wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mowliid Ibraahim, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri Jaamac, Dr Edna Aadan Ismaaciil iyo Maayarkii hore ee Caasimadda Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir.

Kulankan waxa kale oo goob-joog ka ahaa Xubno kale oo magac ku leh bulshada dhexdeeda, ganacsato  iyo muwaadiniin u dhalatay dalka Turkiga oo hawlo maalgashi iyo ganacsi u jooga dalka.

Qunsulka Turkiga ee Somaliland Mr Yüksel oo kulankaas ka hadlay, ayaa Xukuumadda iyo Shacabka Somaliland uga mahad-celiyey sida loogu qaabiley dalka iyo kulamo kala duwan oo todobaaddadii u dambeeyey uu la qaadanayey xukuumadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

“Waan idiinka mahad-celinayaa soo-dhawaynta diirran ee  aad ii samayseen dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay, waxaanan idiin rejaynaa Ramadan Wanaagsan,” ayuu yidhi Mr Yüksel, isaga oo intaas ku daray, “Waxa kale oo aan fursaddan uga faa’idaysanayaa inaan shacabka Somaliland ku hambalyeeyo munaasibadda Ciidda,” ayuu yidhi Qundulka Turkiga u fadhiya Somaliland.

Qunsulka Turkiga ee Somaliland Muzaffer Yüksel oo dalka soo gaadhay horaantii bishan July, ayaa kulankiisii u horreyey la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo xafiiskiisa ku qaabilay, waxaanay ka wada-hadleen kor-u-qaadista barnaamijyada horumarineed iyo mashaariicda dawladda Turkigu ku taageerto Somaliland.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment