Hargeysa, 07 August, 2014 (Himilo)- Allaah ha u naxariistee Suxufigii weynaa ee Cabdiwali Faarax Jaambiir, ayaa shalay gelinkii dambe ku geeriyooday Cusbitaalka New Hargeysa ee magaalada Hargeysa oo uu toddobaadyadii ugu dambeeyey u jiifay Xanuun.

Cabdiwali Faarax Jaambiir waxa muddada uu Saxaafadda Somaliland ka shaqaynayey lagu bartay soo saarista Barnaamijyo xiiso badan oo taariikhda Ururkii Dhaqdhaqaaqa dib-u-xoraynta ee SNM isla markaana waxa kale oo uu caan ku ahaa baahinta iyo diyaarinta Barnaamijyo Taariikhda dalalka Caalamka ah, Turjumaadda Buugaag kala duwan oo aad loo jeclaysan jiray wakhtigii uu waday iyo Curinta Sheekooyin Dhab ah oo uu qori jiray.
Waxa kale oo uu Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir caan ku ahaa oo uu ka mid ahaa Macallimiinta aqoonta badan leh, isla markaana soo saaray Jiilal badan oo kala dambeeyey. Waxa uu wax ka dhigi jiray Iskuullada dawliga ah bilawgii 2000, waxa kale oo uu kaga sii magac iyo milgo weynaa Dugsiyada gaarka loo leeyahay sida Nuura-diin, Dugsigii Waaberi, Aflax iyo kuwo kale oo uu ka dhigi jiray Luuqadda English-ta (Ingiriisida), isla markaana Arday badani ka aflaxeen, aadna ay Ardaydu u jeclayd wax dhigistiisa iyo fahansiinta casharrada, maaddaama oo uu Hodan ku ahaa Luuqadaha Ingiriisida iyo Soomaaliga.
Allaah ha u naxariistee waxa uu Cabdiwali Faarax Jaambiir soo saaray dhalinyaro kala duwan oo maanta ka tirsan Suxufiyiinta ka hawlgala Warbaahinta kala duwan ee dalka iyo Warbaahinta caalamiga ah, sida Idaacadaha BBC-da, VOA-da, TV-yada kala duwan, Wargeysyada iyo Shabakadaha wararka ee Somaliland, kuwaasoo uu si weyn oo hagar la’aan ah u soo gacan-qabtay muddadii uu Bahda Saxaafadda Somaliland ka tirsanaa.
Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir, ayaa ahaa nin Dabeecad furfuran oo kaftama, isla markaana dadka u fiicnaa, inkasta oo uu dhawrkii sannadood ee u dambeeyey xanuunsanayey oo aanu aad uga dhex-muuqan Warbaahinta, waxa ay tiisii noqotay Allaah ha u naxariistee shalay gelinkii dambe oo uu ku geeriyooday Cusbitaal ku yaal xaafadda New Hargeysa oo ka tirsan degmada Gacan-libaax.
Marxuumka waxa maanta lagu aasi doonaa Xabaalaha Naasa-Hablood ee Duleedka Waqooyi-Bari ee Hargeysa.
Allaah ha u naxariistee Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir, waxa uu muddadan dambe u jiifay Xanuunka Joonis-cadka (Hepatitis B), kaasoo uu u geeriyooday.
Marxuumku wax Carruur ah ifka kagama tegin, waxaanu guursaday laba Xaas oo ay midkood kala-tageen, Haweenayda labaad-na ay hadda wada-joogeen. Hase-yeeshee, Cabdiwali waxa lagu xasuusan doonaa waxa uu ku tabcay oo uu soo saaray dad badan oo weliba u badan dhalinyarada reer Somaliland ee kacaamay bilawgii sagaashamaadkii, kuwaasoo ay wax-barashada isku soo gaadheen. Isla markaana aqoon, dhiirrigelin, gacan-qabasho iyo wax la-qabashaba uu ugu deeqay. Waxa uu ahaa ruux qalbi wanaagsan oo jecel in qofkastaa horumar gaadho, isla markaana aad u dhiirrigeliya oo si weyn ula talin jiray dhalinyarada uu arkay inay dedaalayaan, kuwa dedaalkoodu kooban yahayna kula talin jiray inay dedaal muujiyaan oo ay higsadaan kuwa hadba muraayadda ama hormuudka u ah ee iyaga ka horreeyey, isaga oo si cilmiyan ah ugu sheekayn jiray dadka uu wax u sheegayo.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa qoyskii, qaraabadii, Ehelkii iyo bahda Saxaafadda ka tacsiyeeyay Geerida Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo uu ku tilmaamay haldoor ka baxay saxaafadda dalka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Suxufi door muhiima ka soo qaatay heerka saxaafada Dalku ay maanta taagan tahay, waxaanu madaxweynuhu si gaara u tacsiyadaynayaa Walaalkii Muuse Faarax Jaambiir oo ka mid ah odayaasha Saxaafada Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga beryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ha ka siiyo.
Illaahay Naxariistii Janno haka waraabiyo Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir, waxaannu haddaannu nahay Bahda Warbaahinta Himilo Media Group ALLAAH uga baryeynaa Cabdiwali inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Guud ahaan Bahda Saxaafadda Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment