Thursday, August 7, 2014

Wefti ka socda Urur-goboleedka IGAD oo kulan aan nuxurkiisa si hufan loo faahfaahin la yeeshay Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa, 07 August, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay kulan la yeeshay Wefti ka socda Urur-goboleedka IGAD oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa dalka, kuwaasoo ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidhay inay qiimayn ku sameeyaan waxa ka jira Somaliland, waxay dhinacyada horumarka arrimaha Bulshada kala qaban karaan dawladda iyo weliba inay dawladda kala hadlaan qabashada doorashooyinka sannadka soo socda la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan iyagoon wax dib-u-dhac ahi ku iman sida hoggaamiyaha Weftigaasi sheegey markii ay yimaaddeen.

DSC_0011Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo uu weheliyo Wasiirka arrimaha dibeddu, ayaa si diirran u qaabbilay Weftiga ka socda Urur-goboleedka IGAD oo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan.

Inkasta oo aan kulanka Warbaahintu gelin, haddana markii uu dhammaaday ka dib waxaa Weriyeyaashasi kooban oo guud-mar ah ula hadlay Wasiirka arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Hoggaamiyaha Weftigaas oo ah Safiirka IGAD u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Aftay.

Si rasmi ah umay faahfaahin labada Masuul nuxurka qodobbada ay Madaxweynaha iyo Weftiga IGAD ka wadahadleen. Hase-yeeshee, waxay ka warrameen kormeer Xubnaha Weftigu ku tegay Dugsiga Barashada Culuunta Caafimaadka Xoolaha ee ku yaalla degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, Berbera, intii ay Caasimadda Hargeysa joogay dhinacyada ay la kulmeen waxa ay ka wadahadleen iyo waxyaabaha ay ku arkeen Somaliland ee uga soo baxay qiimaynta uu ku salaysnaa ujeeddada socdaalkooda iyo waxa uu Urur-goboleedka IGAD la qabanayo Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu sheegay in Urur-goboleedka IGAD dhinacyo kala duwan wax kala qabto Somaliland, isla markaana ay diyaar u yihiin inay sii kordhiyaan wada-shaqaynta ka dhaxaysa labada dhinac. “Socdaalka IGAD waxa uu ahaa sidii ay u qiimayn lahaayeen Xaqiiqada Somaliland taalla. Waannu soo dhaweynaynaa IGAD, waxaannu uga mahad-celinaynaa Wax-tarkooda, waxaanannu jecelnahay in Cilaaqaadka Somaliland iyo IGAD aannu sii kordhino.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis.

Safiirka Soomaaliya u qaabbilsan IGAD Maxamed Cabdi Afey oo hoggaaminayay Weftiga, ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ugu tageen sidii ay u soo Salaami lahaayeen, isla markaana isku xog waraysan lahaayeen. “Horena waxa uu Ururka IGAD ugu hawlanaa wax la-qabashada Shacabka Somaliland, idinkoo Ogsoon inaannu muddaba maal-gelin ku samaynaynay Iskuulka Sheekh (Qaybta Xannaanada Xoolaha). Iskuulkaasi oo dhammaan gobolka Anfacaya, shalayna (dorraad) aannu bookhasho ku tagnay oo aannu soo eegnay Hawlihiisa, Berberana aannu soo maray.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdi Afay.

Hoggaamiyaha Weftiga Urur-goboleedka IGAD ka socday Ambassator Maxamed Cabdi Afay, waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin kulanka booqashada ah ee ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland, waxaanu yidhi; “Waannu ku faraxsanahay runtii inaannu mudo joognay Caasimadda. Waxaannu samaynay Xog-urursi ku saabsan waxyaabaha aannu Somaliland shacabkeeda kala shaqayn karayno. Madaxweynahana Salaan baannu ugu tegnay, waanannu ku faraxsannahay inaannu la kulanno Madaxweynaha Somaliland iyo sida naloo qaabbilay-ba.”

Wefitga ka socda Urur-goboleedka IGAD oo Axaddii toddobaadkan booqasho shaqo ku yimi Somaliland, ayaa intii ay dalka ku sugnaayeen waxay magaalada Hargeysa kulamammo kala duwan kula yeesheen Shir-guddoonnada Golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland, Wasiirro Xukuumadda ka tirsan iyo Madaxweynaha Somaliland.

Weftiga IGAD oo Maalmihii u dambeeyay Somaliland ku sugnaa ayaa kulamo la qaatay qaybo ka mid ah wasiirada Somaliland, Madaxda Baarlamaanka, iyagoo sheegay inay Xukumadda kala shaqaynayaan Doorashooyinka soo socda iyo dhinaca Caafimaadka. Weftigan oo markii u horaysay Somaliland yimid waxaa Martiqaaday Somaliland.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment