Saturday, August 2, 2014

Ciidamada Ammaanka iyo Shacabka Maraykanka Oo Ku Jaahwareersan Haweenay Dhar Madow Ku Lebisan Oo Gobollada Dalkaas U Kala Lugaynaysa

Washington:Aug,01,2014(Himilo)-Ciidadama Ammaanka iyo shacabka Reer Maraykan ayaa ku dawakhay Ujeeddada Haweenay  aan wali la fahmin oo ku labisan Dhar Madow, taas oo Gobollo dalkaas ku yaalla lug ugu kala Gudbaysa.

downloadBooliiska Mareykanka oo Teleefoono badan helay oo ku saabsan Haweenaydan lugeynaysa ayaa ka codsaday cid alle cidii aragtaa ay u gar-gaaraan oo biyo iyo cabitaan siiyaan, iyagoo sheegay inaan lagu mashquulin sababta ay dharka madoow u xidhatay una lugaynayso badhtamaha Wadooyinka waa-weyn ee gobolo badan oo Mareykanka ka mid ah.

Dadka qaar baa iska dhaa-dhiciyay inay tahay Malaa’ig, halka qaar ay leeyihiin,waxey dharkan madoow u xidhatay Ninkeedii baa ka dhintay, halka qaar ay ku doodayaan waa Shaydaamad habaawsan.

Haweenaydan ayaa hadda gaadhay Magaaladda Winchester ee Gobolka Virginia, waxaa la arkay Booliiska magaaladaas oo biyo iyo cabitaan siinaya.

Waxay doontaba ha noqotee Haweenaydan dharka madoow (Woman in Black) xitaa waxaa ku wareeray Warbaahinta Mareykanka oo lacago badan u balan-qaaday cidii warbixin-buuxda ka siisa Hawenaydan sababta ka dambaysa dharka madoow inay xidhato iyo magaceeda buuxda inay soo helaan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment