Saturday, August 2, 2014

Xil-ka-qaadis Lagu Sameeyey Guddoomiyihii Ururka Solja iyo Jawaaabta uu Kaga Fal-celiyey

Hargeysa:Aug,02,2014(Himilo)-Guddida Fulinta ee Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ku dhawaaqay inay Doorteen Guddoomiye Ku-meel-gaadh ah inta laga Gaadhayo Shirweynahooda oo laga Yaabo inuu ayaamaha soo socda Qabsoomo.

soljeeXubno Miisaan leh oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka  Ururukaas, Xoghayaha Guud iyo Xubno kale oo ururka Guddida Fulinta ka tirsan oo Maanta Saxaafadda La Hadlay, ayaa ku dhawaaqay inay Xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii hore ee ururkaas Xasan Maxamed Yuusuf, kaas oo isaga iyo xubnaha kale ee ururku isku  maandheefeen magacaabista Gudidda Qabanqaabada Shirweynaha shanaad ee ururka.

Gudoomiye ku xigeenka ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Cabdi Curad oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu  sheegay in guddida fulinta ee ururkaasi ay shir iskugu yimaadeen isla markaana ay xilkii ka qaadeen gudoomiye Xasan Maxamed Yuusuf waxaanu yidhi, “Guddida fulinta ee ururka oo ay magaalada Hargeysa ka joogaan sagaal xubnood oo xubnihii goboladana qaar ka mid ah joogaan waxay gaadheen go,aan xil ka qaadis ah oo ay xilkii gudoomiyenimo mudada kala guurka kaga qaadeen  gudoomiye Xasan Maxamed Yuusuf, waxaanay si ku meel gaadh ah mudadaa kala guurka gudoomiyaha guddida fulinta ugu doorteen Mustafe Sheekh Cumar Geedi si hawlaha shirka iyo qaban qaabadiisu habsami ugu socdaan, falkaas xil ka qaadista ah ayaa ka dhashay ka dib markii gudoomiyuhu saaka xafiiska yimid oo u qaatay qalab uu lahaa ururku.” Ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka ururka Solja.

 

Sidoo kale waxa shirkan jaraa,id ka hadlay Maxamed Axmed Jaamac Caloolay oo ka mid ah guddida fulinta ee ururka Solja kaas oo sheegay inay go,aan ku gaadheen inay xilka ka qaadaan gudoomiyaha ururkaasi.

 

Dhinaca kale Gudoomiye Xasan Maxamed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa dhinaciisa ganafka ku dhuftay xil ka qaadista lagu sameeyey, waxaanu sheegay inaanu jirin xil uu hayey maaadaama oo wakhtigiisi dhamaaday, isla markaana xubnaha kale ee soljana ay mudadii ka dhamaatay, waxaanu tilmaamay in hawlihii ururka ay sii wadayaan guddida qaban qaabada shirweynaha oo hawlaha ururka ku wareejin doona ciddii lagu soo doorto shirweynaha shanaad ee ururka Solja.

Ururka Solja oo ah ururka kaliya ee saxaafadda Somaliland sida ramsiga ah ugu dhaqdhaqaaqa, ayaa ay ragaadiyeen Fadhiidnimo dhinaca Hoggaanka ahi, waxana muddooyinkan dambe warbaahinta  laga dhex arkayey  khilaaf laba garab u kala jabiyey Ururkaa, kaas oo aakhirkii keenay in Xubnahani ku dhawaaqaan inay  xilkii Guddoomiyaha ka qaadeen.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment