Tuesday, August 12, 2014

Dhacdo Naxdin leh: Haweenay 9-Bilood Gurigeeda Ku Qarsanaysay Maydka Ninkii Qabi Jiray Daawo Video Published on August 12, 2014 by darajo · No Comments Booliska ayaa galay guriga haweenaydan, ka dibna halkaas ka soo taxaabay iyaga oo ku eedeeyay inay, qarisay dhimashada ninkeeda, taasina ay xad gudub ku tahay sharciga dalka Maraykanka Dhacdo dadka badankiisu aad uga yaabeen, ayaa ka dhacday dalka Maraykanka, taas oo la xidhiidha, haweenay muddo sagaal bilood ah guriga ku haysatay lana noolayd Maydka odaygeeda, taas oo sheegtay in sababtu la xidhiidho dar daarankii uu odaygeedu kaga codsaday in Maydkiisa aan la aasin ee shinbiruhu cunaan. Booliska ayaa galay guriga haweenaydan, ka dibna halkaas ka soo taxaabay iyaga oo ku eedeeyay inay, qarisay dhimashada ninkeeda, taasina ay xad gudub ku tahay sharciga dalka Maraykanka, hasa yeeshee haweenaydan oo lagu magacaabo, Ella Solomon 54-jirna ah ayaa diiday eedaymahaas kuna doodaysa in odaygeedu dhawaan dhintay. Laakiin baadhitaan lagu sameeyay maydka ninkaas ayaa lagu xaqiijiyay inuu sii mootanaa muddo sagaal bilood ah, waxa kale oo ay gabadhani sheegtay in ninkeedaas dhintay oo la odhan jiray, Gerald Gavan (88-jirna ahaa uu kula dardaarmay inaan loo aasin sida caadiga ah ee dadka loo xabaalo, maydkiisana shinbiraha loo dhigo si ay u quutaan, haddaba sheekadaas oo dhamaystiran ka

Lawyacaddo:Aug,12,2014(himilo)-Dawladda Somaliland ayaa si rasmi ah u xidhay xuduudda ay la leedahay dalka Djibouti oo markii horeba dhinaca Djibouti ka xidhnayd in muddo ah.

loeTaliye ku-xigeenka Laanta Socdaalka Somaliland iyo saraakiil kale oo ku sugan magaaladda Lawyacdo ee Xuduudka Somaliland ayaa labadii maalmood ee u danbeeyey ku sugnaa magaaladaasi, waxaanay saaka ku dhawaaqeen in ay xidheen xuduudka Somaliland.

Dawladda Jabuuti ayaa hore u xidhatay Xuduudka ay la wadaagto Somaliland, iyadoo ku sababaysay inay ku sugayso amaanka Dalkeeda, hase yeeshee Xukuumadda Somaliland oo wadahadalo kala yeelatay sidii loo furri lahaa ayaa iyana maanta dhinaceeda Xidhatay.

Ilo wareed rasmi ah oo u waramay warbaahinta ayaa sheegaya in Somaliland ay xoojisay Amaanka xuduudka ay la leedahay Dalka Jabuuti,isla-markaana ay tani jawaab u tahay dhego adayg ay Somaliland ka risanayso dhigeeda djibouti.

Ma cada sababta rasmiga ah ee ay Somaliland u xidhatay inay tahay mid dhinaca Amaanka ah iyo in ay tahay arrimo siyaasadeed oo u dhaxeeya iyada iyo Jabuuti, taasoo beryahan danbe aad loo hadal hayey inay Somaliland ka biyo diidsan tahay Hab-dhaqanka Dalalka Jaarka ahi ku xidheen Xuduudka ay la wadaagaan Somailand, inkastoo madaxda Somaliland markii ugu horaysay ku taageereen in lagu sugo amaanka balse wakhtigii ay filayeen in dib loo furro uu ku dheeraaday.

Xukuumadda Jabuuti ayaa Somaliland ka haysa Maxaabiis loo qab qabtay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Dalka Jabuuti, kuwaas oo arrimo baadhitaan loogu gacan galiyey, hase yeeshee waxa meesha ka baxay balanqaad heshiis lagu ahaa oo ahaa in Dalka dib loogu soo celin doono si loogu Maxkamadeeyo.

Inkasta oo ay jiraan xurgufo hoose ee u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti, gaar ahaana arrinta la xidhiidha siyaasadda Jabuuti ee Somaliya, hadana waxa jiray saaxiibtinimo hoose oo u dhaxaysay masuuliyiinta labada Dal oo isku talaabi jiray.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment