Tuesday, August 12, 2014

Liberia Oo Laga Dejiyey Daawooyin Lagula Tacaalayo Cudurka Ebola

Monrovia:Aug,12,2014(Himilo)-Dawladda waddanka Maraykanka ayaa daawooyinkii ugu horreeyey ee wax lagaga qabanayey xanuunka Ebola gaadhsiisay dalka Liberia oo uu tiro dad ah  ku laayey.

beloDiyaarad xamuul oo sidday dawooyin hordhac ah ayaa ka degatay garoonka diyaaradaha magaalada caasimada ah Monrovia waxaana loogu talo galay in lagu daweeyo dadka uu xanuunkani soo riday ee Liberia jooga.

Madaxweynaha dalka Liberia Ellen Johnson Sirleaf, ayaa sheegtay inay cawimaadii ugu horeysay ay ka heleen dalka Maraykanka waxaana arrintani timid wax yar kadib markii magaalada Geneva lagu soo gabo gabeeyay shir ay yeesheen khubaro dhanka dawooyinka ah oo ay xanuunka Ebola kaga hadlayeen.

 

In ka badan 1,000 ruux ayaa xanuunkan ugu geeriyootay wadamo ku yaala galbeedka qaaradaan Africa.

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment