Thursday, August 7, 2014

Hoggaanka JIIDALI oo tafsiir ka bixiyey Ujeeddada loo aasaasay Ururkooda

Hargeysa, 07 August, 2014 (Himilo)- Ururka dhalinyarada ee Jiidale oo dhawaan lagu Aasaasay magaalada Hargeysa, ayaa sharraxaad ka baxay ujeeddada ay ka duullayaan iyo sababaha loo aasaasay oo ay ku tilmaameen mid ku dhisan ilaalinta Qaranimada Somaliland isu-soo-dhawaynta shacabka dalka.

jiidaliWar-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururka Jiidale Cabdiraxman Xasan Aadan oo xalay la soo gaadhsiiyey xarunta Wargeyska Himilo, ayaa ka sokow sharraxadda wax-qabadka iyo ujeeddada loo aasaasay Ururka, waxa lagu xusay dhaliilo loogu jeediyeen xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

“Ururka Dhalinyarada Jiidali  u bayaaminayaa Mujatamaca reer Somaliland, In Jiidali loo abuuray inay barbar istaagto jiritaanka qaranimada somaliland, xoojiso walaalnimada, jaarnimada, wada dhaqanka iyo wada noolaanshaha beelaha somaliland, Jiidali waxay u taagan tahay inay isku fur furto dhalinyarada oo ay hormood u noqoto dhalinyar wax wada qabsada oo talo midaysan leh, waxa ka go'an Jiidali inay kala shaqayso hayadaha amniga, sugida iyo adkaynta nabadgalyada qaranka, Jiidali waxay astaan u tahay dhalinyar firfircoon oo ka turjumaya dareenka shacabkooda, diyaarna u ah inay wakhti, maskax iyo maalba u bixiyaan sidii qarankan jamhuuriyada Somaliland u noqon lahaa qaran waara oo horumara.

Ururka dhalinyarada Jiidali, waa urur ay gadhwadeen ka yihiin dhalinyar aqoonyahan ah, oo ka damqaday, tacadiyada iyo iska horkeenka beelaha ee ay xukuumada madaxwayne siilaanyo caadaysatay, waa urur aanay dabada ka riixayn siyaasiyiin iyo xisbiyo midtoona, balse waa urur majaro siyaasadeed leh oo  garanayana tubta quman ee qaranka lagu badbaadin karo,” Sidaa ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.

Ururku waxa uu war-saxaafadeedkiisa ku xusay dhaliilo uu xukuumadda madaxweyne ugu jeediyey xadhigga suxufiyiinta, xayiraadda hay’adaha warbaahinta, la-dagaalanka Xoriyatul-qawlka iyo dhinac nabad-gelyada oo ay ku eedeeyeen xukuumadda inay ku fashilantay inay ka jawaabto dhaliilo ay tilmaameen in beesha caalamku ka soo jeedisay dhinaca ammaanka Somaliland.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment