Tuesday, August 19, 2014

Muddaharaad Shalay Gilgilay Magaalada Burco, Sababta keentay, Badhasaabka Togdheer iyo Xildhibaan Nacnac oo ka hadlay

Burco,19 August, 2014 (Himilo)- Muddaharaad lagaga soo horjeedo Odayaal ka soo jeeda Beesha Cabdalla Arab oo Habeen-hore Xabsiga loo taxaabay, ayaa shalay ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo Odayaashaas lagu xidh-xidhay, ka dib markii ay ku gacan-saydheen Wefti xukuumadda ah oo loo diray dejinta xiisad iyo diidmo ka dhalatay go’aan laga soo saaray Balliga Diirye Guuleed oo 18-MT dhinaca Waqooyi ka xiga Burco oo Beeshaas iyo beel kale ku muransanaayeen Magaalaynteeda.

maxamedMuddaharaadkaas ayey Dadweyne u badan bhalinyaro iyo Haween ka bilaabeen Xarunta Maamulka gobolka Togdheer ee magaalada Burco, iyaga oo isaga gudbay xarunta Maamulka, Xarunta dawladda Hoose illaa Xabsiga dhexe ee magaalada Burco, sida uu caddeeyey Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye oo Warbaahinta la hadlay shalay markii uu dhammaaday Muddaharaadkaas oo aan wax khasaare ahi ka dhalannin.

Muddaharaadayaasha ayaa Taayirro ku gudbay qaar ka tirsan Waddooyinka badhtamaha magaalada, iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ay kaga soo horjeedeen Xadhigga Odayaasha Beesa Cabdalla Arab, kuna dalbadanayeen in shuruud la’aan lagu sii daayo iyo weedho ay ku taageersanaayeen go’aanka Odayaasha beeshaasi ku qaaddaceen ergada weftiga Xukuumadda.

Odayaasha xadhiggoodu keenay muddaharaadka, ayaa habeen-hore la xidhay, ka dib markii Wefti Xukuumaddu dirtay oo beeshooda ka soo jeeda ka diideen inay Hargeysa u soo raacaan, isla markaana Madaxweynaha kala hadlaan cabashadooda.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo si wada-jir ah ula hadlay Saxaafadda markii bannaan-baxaasi dhammaaday ka dib, ayaa sheegay inaanu muddaharaad ballaadhan ahayn waxa ka dhacay Burco, hase-yeeshee, uu ahaa wax yar oo ay abaabuleen Ehelada Odayaasha la xidh-xidhay habeen-hore.

“Waxaa la xidhay Illaa waxoogaa tobaneeyo Oday, dadka Muddaharaadayey waxay ahaayeen Ehelkii Odayadaas, markii u horreysay halkan gobolka ayay yimaaddeen, tiradooda waa la arkayey, way ka tageen oo dawladda hoose ayay tageen, iyada oo Burco halkaas ooda ah (isgoyska) la isugu yimi oo aanay Burco daba-galin maantaa kaw ah. Dumarkii iyo Carruurtii halkaas ka soo noqday illaa Jeelka ayay tegeen, tiro aan badnayn oo ehelka Odayaashaa la xidh-xidhay bay ahaayeen, waxa dhacayna waa intaas.,” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye.

Badhasaabka Togdheer oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sababta loo xidh-xidhay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Cabdalle Arab, iyadoo ay ka habboonaan lahayd in wadahadal la isku fahmo, waxa uu yidhi; “Waa lala shirayey oo waa Odayaashii Masuulka ka ahaa Ciidan-beeleedkii yaraa ee halkaa dhararaartii dhawayd dagaalku ka dhacay joogay, Qaran baynu nahay 23 jir baynu nahay, haddii dharaar-ba Beeli qori qaadato Qarankani jiri maayo.”

Guddoomiyaha gobolka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku ladhay oo yidhi, “Sidaa daraaddeed, waxa Odayaasha lagala hadlayey Waar Innamadiinna aad halkan geyseen ka saara meesha iyaga iyo Ciidanka Qaranku yaaay is-mudannin. Qofku inta uu nool yahay baa loo taliyaa ee Innamadiinnaas iyo Ciidanka Qaranku yay is-mudan bay ahayd, wixii aad doonaysaan ee ka cabanaysaan annaga ayaa idiin joogna, Odayaashiinna ah, halkaad doontaan idin geynayna, wixii tabasho iyo cabasho ah ee aad qabtaan ee daw ah annagaa wax idinkala qabanayna ee na Aqbala iyo May,  sabab iyo ujeeddo ka dambaysa aannu garan waynay.”

“Odayaashu waa Odayaashoodii, waxaanay go’aansadeen intii dhibaato dhici lahayd inay iyaga tallaabo ka qaadaan oo ay oggolaysiiyaan danta Ubadkooda siday uga talin lahaayeen, taas ayaa keentay xadhigga. sababta oo ah, dee way ka sii ballaadhanaysaa haddii lagu daayo sidaas. Dharaartii dhawayd Saraakiishii Ciidanka ayay dhaawaceen oo aad ogeydeen oo qaar Hargeysa loo qaaday, oo runtii dharaartaa Ciidanku weliba aad ugu tudhay.” Sidaa ayuu yidhi Badhasaabku.

nac-nacGuddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu sheegay haddii aan tallaabada Odayaasha lagu xidhxidhay la qaadin inaan xalku soo dhawaanayn, ka dib markii ay Ergayn iyo wadahadal-ba diideen sida uu sheegay, waxaanu yidhi, “Maanta haddii ay tiiyoo kale dhacdo oo haddana ay isa-soo urursadaan dhib ka wayn oo ka xun baa dhacaysa, markaa in laga taliyo intaanay dhicin hadday Ciidanka tahay iyo Hadday Odayaasha tahayba weeye.”

Sidoo kale, Xildhibaan Axmed Maxamed Diirye (Nacnac) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee Xisbiga KULMIYE laga soo doortay ee ka soo baxay gobolka Hargeysa, balse ay Odayaasha iyo dadka u muddaharaadayey isku beel yihiin, ayaa sheegay inay Odayaasha xadhiggoodu yimi markii ay diideen qorshihii ay ula tageen isaga iyo Xubno dawladda ka tirsan oo ay isku beel-yihiin oo Xukuumaddu xallinta dagaalka dhacay Jimcihii u dirtay habeennimadii Sabtidii, ka dib markii Kooxda Beeshoodu weerar ku qaadeen Ciidanka Qaranka oo la dejiyey deegaanka Muranku ka aloosan yahay Balliga Diiriye Guuleed.

“Gar baa dhacday ama Xaq ha u dhacdo ama Xaq-darro ha u dhacdee, markay dhacday dadki hadal bay ka keeneen Gartu ku dhacday, markaa Madaxweynaha ayaannu u tegnay, annaga waxa naloo soo diray waar bal nimankii Gartu ku dhacday way cabanayaana ma kuu keennaa buu yidhi (Madaxweynuhu). Markaa, waxa weeye annagu wax kale umaannaan iman, inaannu Gar qaadno umaannaan iman, bal inay Madaxweynihii la hadlaan oo waxay ka cabanayaan ay u sheegaan, taasina way u qudh-qudhsami wayday, gacmo kale ayaa soo galay, hadallo bilaa micne ah baa soo galay, waxaanu annagu afartaa habeen Burco u joognaa Waar kaalaya Gartiinna sheegta haddaad gar leedihiin, markaa sidaas ayaannu u nimi,” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diirye (Nacnac).

Dhalinyaro hubaysan oo ka soo jeedda Beesha Cabdalla Arab, ayaa Jimcihii hore weerar ku qaaday Ciidamada Qaranka, ka dib markii ay Masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo Degmada Burco oo deegaankaas u tegay fulinta qayb ka mid ahayd go’aan ay Wasiirro Xukuumadda ka tirsani maalmo ka hor Jimcihii ka soo saareen Deegaankaas oo ay sheegeen inuu yahay Daaqsin, deegaamayntana laga joojiyo Barkado iyo Dhismayaal laga bilaabay-na la baabbi’iyo, ay bilaabeen hawlgalkooda, balse ay dhalinyaro Beesha ka tirsani weerar kala horyimaaddeen, isla markaana dhaawaceen laba Sarkaal oo Booliska iyo Millateriga ka tirsan, halka iyagana hal qof laga dhaawacay, midna laga qabtay.

No comments:

Post a Comment