Tuesday, August 19, 2014

Xildhibaanno Sharci-darro iyo Xaaraan Wasiirku ku kacay ku tilmaamay Lacag lagu soo rogay dadka Madaarrada ka dhoofaya iyo kuwa ka soo degaya

Hargeysa,19 August, 2014-(Himilo)- Mudanayaal ka tirsan Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay Lacago dheeraad ah oo dadka ka soo degaya garoonnada diyaaradaha dalka, gaar ahaan Madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa iyo kuwa ka dhoofaya laga qaado, kuwaasoo ay sheegeen inaanay Sharciga dalka meelna kaga jirin.

xldhibaanoXildhibaan Bashiir Tukaale iyo Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, oo shalay Warbaahinta kula hadlay, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay Farriin 14-kii bishan Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland ku soo dirtay Taleeffannada Gacanta ee Kaadhka Shirkadda Xayaysiisyada Warbaahinta boobta ee Telesom soo marisay waxay ku sheegtay oo ay ku dadka ku ogeysiisay in dadka da’doodu ka wayn tahay 15-jir ee ka dhoofaya Madaarrada amaba ka dhoofaya ku soo tala-galaan bixinta Cashuur dhan 43 Doollar, dadka 15-jirka ka yarna 10 Doollar, iyada oo aanay Golaha Wakiillada soo marin Lacagtaas la kordhiyey, kuna tilmaameen Xildhibaannado Xaaraan uu Wasiirka Duulistu Jeebkiisa kaga darsaday, dadweynahana ugu baaqay inaanay bixin wax ka badan tobanka Doollar ee Gole ahaan ay hore ugu sharciyeeyeen qaadistooda.

Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo ugu horreyn Shirkaas Jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inay Golaha Wakiillada hor-geyn doonaan Mooshin xilka lagaga xayuubinayo Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, maaddaama oo uu ku kacay lacag-urursi sharci-darro ah oo aan Sharci-dejinta la soo marin.

“Horta waxaan Golaha Wakiillada la marin oo ummadda laga qaadi karaa ma jiraan oo waa Xaaraan. Waxa wax lala yaabo ah Farriimo ayaa dadka loo soo dirayay la leeyahay Lacagtaas ayaa la qaadayaa oo intaas ah, ma isagaa Sharciga samaysta Ninku (Wasiirka Duulista)? Waxani waa jeebkiisa Ummaddana waxaannu u sheegaynaa 10 Doollar ayuu Goluhu ansixiyay in laga qaado dadka Madaarrada ka soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya, wixii kale waa sharci-darro, waa jeebkiisa, waxay qayb ka tahay Lunsiga Hantida ummadda ee la wado.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Bashiir Tukaale.

Waxaanu Xildhibaan Bashiir Tukaale intaas ku daray oo uu yidhi; “Markaa, waxaannu leenahay ummadda iska jira jeebkiinnana gacanta ha gelinnina arrintaasi waa xaaraane. Waxaannu immika soo jeedinaynaa sidii uu Goluhu kalsoonida ugala noqon lahaa, Madaxweynuhu ama xilka ha ka qaado ama yaanu ka qaadine.”

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo isna shirkaas Jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inay dhibaato ku tahay dadka u soo boholyoobay dalkooda Hooyo ee Qurbaha ka imanaya Lacagta laga qaadayo ee xaddigeedu badan yahay ee Ogeysiiskeeda Taleefannada lagu qaybinayey maalmo ka hor, waxaanu yidhi; “Marka u horraysa maaha Xeer ka soo baxay Golaha, mana filayo in Goluhu wax ka ogyahay, wixii Cashuur ah ee aanu Goluhu waajibinin waa Xaaraan in la qaadaa, Dastuurka iyo Xeerkeenna ayay ku taallaa.”

“Marka laga yimaaddo Sharciga arrin aan wanaagsanayn ayaannu u aragnaa. Waxaannu u aragnaa arrin culays ku ah dadka Qurbe-joogga ah ee dalkooda imanaya iyo Carruurta dalkoodii iyo dadkoodii la soo barayo iyo kuwa jooga ee noqonaya, ee Waalidku Tigidhada siday ku helaan Illaahay Ogyahay in haddana Madaarka lagu furto oo Lacagta intaas leeg la weydiiyo, waxaannu aragnaa arrin aan maangal ahayn oo aan macquul ahayn.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahinn Jaamac Rayte.

Waxaanu Md. Rayte sheegay in ay daba-gal ku samayn doonaan Lacagaha Madaarrada lagu qaado oo uu  ku tilmaamay hanta-uruursi aan sharciyadda meelna ka soo gelin, kuna dhicin Qasnadda dawladda, balse ku dhacda Qasnado u gaar ah Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, maaddaama oo uu ku dhawaaqay qaadista lacag Sharci-darro ah oo aan Sharci-dejinta oo awoodda sharciyeynta Cashuurta la kordhinayo Dastuurku siiyey aanay tallaabadan Wasiirka waxba ka ogeyn.

No comments:

Post a Comment