
Kulamo uu albaabada u xidhan yahay ayaa haatan u socda labada dhinac, waxaana la filayaa inay isla soo qaadaan arrimaha ka taagan khilaafka siyaasadeed ee ku aadan maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud, kaasoo ay qoonsatay Puntland.
Sidoo kale Nicholas Kay ayaa galabta la kulmi doona Baarlamaanka Puntland oo uu kala hadli doono arrimaha siyaasada.
Nicholas Kay ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Garowe waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Puntland tago muddo lix jeer sanad gudihii.
Amb. Kay ayaa dhowaan sheegay in maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud aanay saameyn doonin Maamulka Puntland,
Booqashada Nicholas Kay ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo Madaxweynaha Puntland uu dhowaan ku dhawaaqay inuu xidhiidhka u jaray dowladda Federaalka, isla markaana u yeedhay xubnaha labada gole ee ka soo jeeda Puntland inay deg deg ku yimaadaan Garowe.
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia iyo Somaliland ayaa la filayaa inuu Maainta Berri ah kasoo degi doono Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyadoo ay dhawaan Somaliland ku dhawaaqday inay casuumad gaar ah u dirtay Ergayga oo ku Maqnaa xurguf siyaasadeed.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment