Sunday, August 17, 2014

Duqaymo Dheeraad ah Oo Loo Geystay Xoogagga Daacish Iyo Kurdiyiinta Ciraaq Oo Kasoo Kabsanaya Khasaareyaal Hore Loo Gaadhsiiyey

Baqdad:Aug,17,2014(Himilo)-Diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Dalka Maraykanka, ayaa duqaymo gaar ah ku haya Goobaha ay Gacanta ku Hayaan Kooxaha islaamiyiinta ah eek a Dagaallaya Waqooyiga Dalka Ciraaq.

degoaWasaaradda Difaaca ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ficilkan ay uga jawaabayeen warar ka soo baxayay xooggaga Kurdiyiinta ee sheegayay in kooxda Daacish ay weerareen dad rayid ah oo jooga meel u dhaw buurta Sinjaar.

Bayaan uu soo saaray hogaamiyaha dhexe ee ciidammada Mareykanka, ayuu ku sheegay in weerrarada cirka ah ay si sax u    badhtilmaameedsadeen laba baabuur oo hub saarnaa oo ay leeyihiin kooxda jihaad doonka ah ee joogta meel u dhaw tuulada Sinjaar.

Mar sii horreysay waxaa jiray warar aan la xaqiijin oo sheegayay in isla goobtaasi uu ka dhacay xasuuq, kaas oo la sheegay in loo geystay Dad laga tirada Badan yahay ee Yasiidiyiinta loo yaqaano.

Markii uu todobaad ka hor bilowday weerrarada dhanka cirka ah ee uu Mareykanku qaadayo ayaa madaxweyne Obama waxa uu sheegay in arrintaasi ay u sameynayaan  inay ka hortagaan xasuuq ka dhaca waqooyiga Ciraaq.

Maamulka madaxweyne Obama, ayaa haddaba wajahaya su’aalo adag oo ku saabsan sida ay isaga joojin karaan inay ku lug yeeshaan duqeyn marka dambe isu badasha colaad weyn taasi oo uu Mr Obama ku celceliyay in aanay jirin xal uu militariga Mareykanka u keenayo dalkaasi.

Xoogagga Kurdiyiinta oo sida muuqata taageero ballaadhan ka Helaya Dawladaha Reer Galbeedka, ayaa iyagu dib uga soo kabsaday Hantaaqooyin xagga dagaalka ah ooh ore loo gaadhsiiyey, waxana la sheegayaa inay kusoo siqayaan Magaalada Mosil oo kooxda Daacish ay awood kula wareegtay Badhtimihii sanadkan.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment