“Waxaannu go’aansannay inaannu wada shaqayno iyo Somaliland doorka ay ka ciyaari karto nabadaynta ama Xamar ha noqoto ama…” Wasiir Maxamed Biixi Yoonis
Hargeysa, 20 August, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo), ayaa markii koowaad muddo sannad iyo bil ay cadho ku kala maqnaayeen ah ka dib shalay kulan la yeeshay Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaalida Nicholas Kay, kaasoo Isniintii dorraad Hargeysa soo gaadhay, waxaanay ka wadahadleen arrimo kala duwan.
Kulanka dhex-maray Madaxweynaha iyo Kay oo ahaa mid albaabbadu u xidhnaayeen waxaa Madaxweynaha dhiniciisa ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirrada arrimaha dibedda, Madaxtooyada iyo Qorshaynta Qaranka Somaliland, waxaana kulankaasi markii uu soo dhammaaday ka dib Saxaafadda Warbixin ka siiyey waxyaabaha lagaga wadahadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaalida Danjire Nicholas Kay.

Waxaanu Wasiir Maxamed Biixi oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Dhammaan qaybaha Qaramada Midoobay ee dalka oo uu Madax ka yahay Nicholas Kay, waxa aannu ka codsannay inay nala shaqeeyaan, inay tabobbarro na siiyaan, inay xagga awoodda wax nagala qabtaan, inay wax nagala qabtaan dhinaca Warbaahinta, Sharciga iyo Horumarinta Haweenka.”
“Waxaannu aamminsannahay inay wadahadallo aad iyo aad u fiican ahaayeen, waxaannu go’aansannay inaannu wada shaqayno iyo Somaliland doorka ay ka ciyaari karto nabadaynta ama Xamar ha noqoto ama meel kale’e inaan Khibrad u leenahay dhismaha nabadda, waxaannu kala hadalnay Ictiraaf-raadintayada.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.
Sidoo kale, Danjire Nicholas Kay oo dhiniciisa ka hadlay kulankaas iyo waxyaabaha ay kaga wadahadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirrada Xukuumadda, ayaa yidhi; “Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Wasiirro kale-ba, waxaannu isla qaadannay qorshe ballaadhan. Waxaan wax badan ka bartay horumarka Somaliland iyo caqabadaha horyaalla, waxaanannu isla qaadannay hababka ugu habboon ee Qaramada Midoobay iyo hawl-galkeeda UNSOM ku caawin karto in lagu horumariyo meelaha ugu muhiimsan ee adeegyada bulshada Somaliland, aad baanannu u soo dhawaynay.”
Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga Masuulka ah Xafiiska qaabbilsan arrimaha Soomaalida ee UNSOM Ambassador Nicholas Kay mar uu ka hadlayey tallaabada ku xigta intaas uu sharraxay ee ay qaadayaan, waxa uu yidhi; “Tallaabada xigtaana waxay noqonaysaa inaannu marar kale nimaadno halkan si aannu u xoojinno joogitaankayaga halkan (Somaliland), si aannu Somaliland uga caawinno meelaha ay ka jiraan baahiyaadka daruuriga ah.”

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis iyo Danjire Nicholas Kay, midkoodna kama hadal waxa ay iskala meel-dhigeen khilaaf ay Madaxweynaha Somaliland iyo Danjire Kay ku kala maqnaayeen muddo sannad iyo bil ah, ka dib markii ay isku fahmi waayeen Xafiiska qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca Siyaasadda ee uu Masuulka ka yahay ee UNSOM in laga furo Hargeysa iyo haddiiba laga furo qaabka uu u shaqaynayo.
Waxay taasi sababtay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Nicholas Kay si cadho leh ku kala tageen, markaas oo ahayd markii ugu horreysay ee uu Somaliland yimaaddo, markii labaadna socdaalkan uu haddo ku joogo Hargeysa yahay, balse waxay ka hadleen qodobbo kor-xaadis ah, maaddaama oo wixii lagu kala maqnaa halka uu ku dambeeyey Warbaahinta loo faahfaahin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment