Guddiga Miisaaniyadda heer Qaran iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa ay korkeer ku mareen Kastamka Cashuuraha ee magaalooyinka Kala-baydh iyo Tog-wajaale, halkaas oo kulamo ay albaabadu u xidhan yihiin warbixinno kaga dhegaysteen masuuliyiinta xarumahaas.
Guddiga Heer qaran ee siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka, ayaa markii ay kormeerkooda soo dhammaysteen soo dhammaadeen waxa ay warbaahinta kula hadleen xarunta maamulka gobolka Gabiley, waxaanay tafaasiil ka bixiyey nuxurka waxyaabaha ay ka wada-hadleen masuuliyiinta goobaha ay kormeerka ku mareen iyo natiijada uga soo baxday xog-waraysiyada ay la yeesheen.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri oo sharraxaad ka bixiyey ujeeddada uu daarran yahay kormeerka noocan ah ee guddigu ku samaysay ilaha dakhliga gobolka Gabiley, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Dawladdani waxay la kowsatay wada-shaqayn iyo is-weraysi ay la yeelato mar kasta oo arrimo noocan ahi soo kordhaan maamulka ganacsatada iyo in laga wada-tashado.
“Waxay joogto dawladdani ka dhigtay sannadka kasta oo miisaaniyadda la dejinayo in loo yeedho ganacsatada iyo Rugta Ganacsiga oo lagala tashado miisaaniyadda iyo qaabka loo dhigayo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Somaliland.
Guddiga siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka oo uu madaxweynaha Somaliland hore u magacaabay, ayaa ka kooban todoba xubnood oo lix ka mid ahi yihiin wasiirro xukuumadda ka tirsan, waxaanay kala yihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdi Aw-Daahir, Wasiirka Ganacsiga Muuse Qaasim iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment