
Warbixinta ayaa lagu sheegay in laga soo bilaabo Oktoobar 2011, markaasoo uu bilowday howlgalka Linda Nchi- celcelis ahaan saddexdii maalmoodba hal qof lagu dilayey Kenya, sidoo kale 11-kii maalmood ee kasta-ba hal weerar uu ka dhacayey meel ka mid ah waddanka Kenya.
9 ka mid ah 47-ka degmo ee dalka Kenya uu ka kooban yahay ayey weerarradaasi saameeyeen, waxaanay saddex meelood hal meel weerrada oo u dhiganta 32% ay ka dhaceen degmada Gaarisa iyo deegaannada hoos-taga oo keliya.
Goobaha sida aadka ah loo bartilmaameedsaday ayaa sida warbxinta lagu sheegay waxay u badan yihiin: goobo Waxbarasho, Kaniisado, Saldhigyo Boolis, Xeryo Qaxoonti, goobaha Istaammada Basaska laga raaco, Meheradaha laga Dukaameysto, Kilaabyada habeenkii lagu caweeyo iyo Baabuur kala duwan.
Ammaanka dalka Kenya, ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan Milliteriga Kenya ay u soo tallaabeen dhinaca Soomaaliya, si ay ula dagaallamaan Al-shabaab, oo Kenya ay sheegtay inay khatar ku yihiin dhaqaalaheeda iyo weliba ammaanka Muwaadiniinteeda.
Al-shabaab, ayaa sheegtay Masuuliyadda weerarro dhawr ah, isla markaana khasaare badan dhaliyey oo ka dhacay Kenya, waxaana ka mid ahaa labadii weerar lagu qaaday Westgate Mall iyo deegaanka Mpeketoni. Dad boqol kor u dhaafaya ayaa labadaas weerar ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen.
No comments:
Post a Comment