
Goobta Toogashadu ka dhacday, ayaa agagaarka Gurigii Ex-fiyoore ee Degmada wardhiigley, waxana la sheegayaa inuu wiilkaasi isticmaalay Maandooriye.
Sida ay lee yihiin dadka deeganka, wiilka la dilay ayaa laga shakiyay maadama uu ku sugnaa dhabarka dambe ee xafiiska ra’iisal wasaaraha.
Dadka deegaanka ayaa saaka isugu soo baxay goobta uu ka dhacay dilka, waxaana dadku ay leeyihiin ma jirto cid timid goobta uu ka dhacay dilka.
Si kastaba, wixii ka dambeeyay markii bishii hore weerar lagu qaaday xarunta madaxtooyada waxaa aad loo adkeeyay xafiiska ra’iisal wasaaraha, waxaana la dhigay ciidamo fara badan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment