Monday, August 11, 2014

Xisbiga Kulmiye Oo Gaashaanka u Daruuray Eedo Mucaaridku Dusha Ka Saaray Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa:Aug,11,2014(Himilo)-Xisbiga Talada somaliland haya ee Kulmiye, ayaa jawaab ka Bixiyey Hadal shalay kasoo yeedhay Axsaabta mucaaridka ah oo la xidhiidhay inaanay xukuumaddu diyaar u ahayn inay dalka Doorasho ka Hirgeliso.

kkuHoggaanka sare ee Xisbigaas oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Guud ee Xisbiga, ayaa waxay tilmaameen in Hadalka kasoo yeedhay axsaabta Mucaaridka iyo Madasha wada-tashigu uu ahaa mid aanay ka Baaraan degin lsla-markaana ka Baydhsan Jawiga haatan taagan oo ku sheegeen mid loogu diyaargaroobayo doorasho dalka laga hirgeliyo.

Gudoomiyaha Kulmiye waxa uu sheegay in Masuuliyiinta Xisbiyadda Mucaaradka ah, Komishanka Doorashooyinka, Xukumadda iyo Qaadhaan Bixiyeyaashu ka wada shaqaynayeen Qabsoomida Doorashada islamarkaana ay wada saxeexdeen in doorashada wakhtigoodii la qabto, isagoo sheegay inaanu garanayn meesha uu wakhtigan ka yimid walaaca Mucaaradku.

“Wax Shaki ah iyo Wax Alle waxaanu isku khilaafnay iyo wax la isku tuhmo oo Arintaa Doorashooyinka ah oo Saddexda Xisbi iyo Daneeyeyaasha Doorashooyinka ka dhexeeyay horta ma jirto” ayuu yidhi Muuse Biixi Isagoo intaasi raaciyay “Yaab-bay nagu noqotay inay yidhaahdaan waxaanu ku walaacsanahay Doorashada. Saaxiibadayo labada Gudoomiye iyo Anigu Arintaas si daacad ah ayaanu uga wada soconay, Noomay yeedhin Kulmiye ahaan, aniga ilamaysoo xidhiidhin, May odhan waxaas iyo waxaas ayaanu idinku tuhunay, May odhan waxaas ayaanu dareenay ee Maxaa soo dhex galay waataynu wax isku Ogayne nalama odhan.Shalay ayuunbaa Eed Culus la soo tuuray, Way la noqotay.”

 

Gudoomiye Muuse Biixi Waxa uu tilmaamay inaanay Qabin dareen ah in Doorashada wakhtigeeda la kordhiyo “Waxaanu leenahay, sidii Madaxweynuhu ka hor yidhi labada Gole Inay doorashadu maalin dhaafto ma Ogoli, Sidii aan idinla saxeexday anigoo Gudoomiyaha Kulmiye ah, ayay Doorashadu helkeedii nooga tahay Wax dareen ahna ma qabno.”

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray inay Eeda Mucaaradka ka wada hadleen Madaxweynaha “Shalay Markii Eeddu soo baxday, xalay Madaxweynaha Arintaas waanu iskaga nimid, Shir baanu kawada yeelanay, waxaan ku idhi Madaxweyne ma wax tuhun ah ayaa adiga lagaa dareemay oo ma waxbaa wixii aynu isku ogayn ka baxay?, mayee ma adigaa lagaa shakiyay ayuu igu yidhi, anna Maya ayaan idhi. Waanu isa soo waraysanay oo meel Alle iyo Meel Arintaasi laga keenay iyo meel aanu ka caga jiidaynaa ma jirto. Waxaanu leenahay warkaas aad Umadda u Gudbiseen, hawshii aynu isku Ogayn anaga halkii ayay naga taagan tahay” ayuu yidhi Gudoomiyaha Kulmiye

Dhinaca kale Waxa uu Muuse Biixi Jawaab ka bixiyay Qodobo Labada Xisbi Mucaarad iyo Madashu isla qaateen oo sheegaya in haddii Xukumaddu qaban waydo Doorashada la samayn doono Dawlad ku meel gaadh ah oo loo dhan yahay;

Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi Raaciyay “haddii Doorashadu qabsoomi waydo oo Arimo Awoodeena ka baxsani yimaadaan, Dib u dhigista Doorashada Madaxweynaha la waydiin maayo, Mucaarad la waydiin maayo, Muxaafad la waydiin maayo, Qolada Guurtida la yidhaahdo ayaa hawshaas leh, Xaaladda maxaa laga yeelayaa,iyagaa hawshaas leh Dastuurkaana siiyay. Mucaaradkuna ka hadli kari maayo, madaxweynuhu hadduu jecel yahayna kordhisan kari maayo soona qadimi kari maayo”

Himilo Media

No comments:

Post a Comment