Sunday, August 10, 2014

Doorashooyin Madaxnimo Oo Turkiga Looga Dareeray Iyo Erdogan Oo ugu Rajo Fiican Musharraxiinta

Stanbul:Aug,10,2014(Himilo)-Waxa Maanta oo Axad ah Dalka Turkiga Looga Dareeray Doorashooyin Madaxnimo oo ay ku tartamayaan Madaxweyneyaal tiro badani.

Doorashadan ayaa ah mid taariikhi ah waa markii u horeysey ee dadku ay si toos ah u soo doortaan Madaxweynaha, waxaa hore u soo dooran jirey Madaxweynaha Baarlamaanka la soo doorto.

Raysalwasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo muddooyinkii danbe hoggaaminaayey siyaasadda Turkiga ayaa u horeeya musharixiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha, waxaana uu beddalayaa Abdullah Gul shanta sano ee soo socota.

eleErdogan ayaa hadda ah Rayslawasaraah dalkaas, waxaana uu fadhiyaa markii saddexaad, isaga oo dalka Turkiga gaadhsiiyey horumar lagu ixtiraamo, doorashooyinkii u danbeeyey waxaa Xisbigiisu ku guuleystey in ka badan intii la filaayey 43%.

Labada Musharax ee kale ee la tartamaaya Erdogan ayaa kala ah Ekmeleddin Ihsanoglu oo ah 70 jir horena uga soo shaqeeyey Ururka Dalalka Islaamka, halka kan kalena yahay Selahattin Demirtas oo ka soo jeeda qowmiyadda Kurdiga ee laga tirada badan yahay.

In ka badan 53 Milyan oo reer Turki ah oo ka mid ah 77 milyan ee dalkaas ku nool ayaa xaq u leh in ay dhiibtaan codkooda, haddii mid kamid ah Musharixiintu uu ku guuleysan waayo in ka badan 50%, waxaa doorashadu maraysaa wareeg labaad taas oo u dhexeyneysa labada musharax ee ugu codka badan.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment