
“Imika diyaar maad u tahay inaan ku hor fadhiisiyo, Madaxweynuhu mar walba waa u diyaar, Ragga dawladda ku jiraana waa ka wakiil.hawsha la qabanayo ee Qaranka loo qabanayo wakiiladiisaa ka jawaabaya, isagaa ka jawaabaya, haddaad diyaar u tahay oo aad su’aalo hayso imikaan kuu gaynayaa” ayuu dhuxul kaga jawaabay su’aashii laga weydiiyey sababta uu madaxweynuhu saxaafadda uga warwareegayo.
Madaxweyne Siilaanyo ayaan wali Warbaahinta hor fadhiisan oo aan uga jawaabin Su’aalaha ay qabaan ama aan Khudbad u jeedin Shacabka Somaliland, iyadoo Mucaaradku wakhtigan ku tilmaameen inaanu Olole dambe oo doorasho gali Karin.
Wakhtiyada uu Madaxweynuhu ka soo noqdo Safarka ayaa Warbaahintu waydiisaa Su’aalo kooban oo inta badan Wasiiradiisu Wariyeyaasha Xakameeyaan mararka qaarna diidanba in wax su’aal ah la waydiiyo.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa su’aalaha saxaafaddu damacdo inay weydiiso waxa kaga gudban xubno wasiirro u badan oo saxaafadda haddida, kuwaas oo aan marnaba ogolayn inuu madaxweynuhu si toos ah uga jawaabo su’aalaha saxaafaddu weydiiso.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment