Thursday, September 25, 2014

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Muxuu Kaga Jawaabay Su'aal ahayd Sababta Madaxweyne Siilaanyo Warbaahinta Uga War-wareego? Hargeysa(Ramaas)September-25-2014- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa si kulul uga jawaabay Su’aal nuxurkeedu ahaa sababta aan Madaxweyne Siilaanyo Shir Jaraa’id ugu qaban Warbaahinta ama aanu Bulshada ula hadal tan iyo markii la doortay. Waxa uu Mr dhuxul u sheegay Wariyaha Su’aasha waydiiyay inuu isla wakhtigaasi u gaynayo haddii uu su’aalo hayo. Mr Dhuxul oo Wariyaha Su’aasha waydiiya faraha ku taagaya ayaa ku jawaabay“ Imika diyaar maad u tahay inaan ku hor fadhiisiyo, Madaxweynuhu mar walba waa u diyaar, Ragga dawladda ku jiraana waa ka wakiil.hawsha la qabanayo ee Qaranka loo qabanayo wakiiladiisaa ka jawaabaya, isagaa ka jawaabaya, haddaad diyaar u tahay oo aad su’aalo hayso imikaan kuu gaynayaa” Madaxweyne Siilaanyo ayaan wali Warbaahinta hor fadhiisan oo aan uga jawaabin Su’aalaha ay qabaan ama aan Khudbad u jeedin Shacabka Somaliland, iyadoo Mucaaradku wakhtigan ku tilmaameen inaanu Olole dambe oo doorasho gali Karin. Wakhtiyada uu Madaxweynuhu ka soo noqdo Safarka ayaa Warbaahintu waydiisaa Su’aalo kooban oo inta badan Wasiiradiisu Wariyeyaasha Xakameeyaan mararka qaarna diidan ba in wax su’aal ah la waydiiyo. - See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Afhayeenka-Madaxtooyada-Somaliland-Muxuu-Kaga-Jawaabay-Su-aal-ahayd-Sababta-Madaxweyne-Siilaanyo-Warbaahinta-Uga-War-wareego.html#sthash.QRLc42Ny.dpuf

Hargeysa:Sep,25,2014(Himilo)-Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Axmed Saleban Dhuxul oo maanta saxaafadu la kulantay ayaa jawaaba ka bixiyey sababta keentay in madaxweyne Siilaanyo ku dhiirran waayo qaabilaadda saxaafadda Madaxa Bannaan ee dalka.

Dhuxul_2-300x233Dhuxul oo u jawaabeyey wariye weydiiyey sababta keentay in madaxweynuhu si kalsooni leh shacabkiisa ugala dhex hadli la’yahay warbaahinta, ayaa sheegay inuu madaxweynuhu diyaar u yahay la hadalka iyo qancinta su’aalaha ay saxaafadu qabto,

“Imika diyaar maad u tahay inaan ku hor fadhiisiyo, Madaxweynuhu mar walba waa u diyaar, Ragga dawladda ku jiraana waa ka wakiil.hawsha la qabanayo ee Qaranka loo qabanayo wakiiladiisaa ka jawaabaya, isagaa ka jawaabaya, haddaad diyaar u tahay oo aad su’aalo hayso imikaan kuu gaynayaa” ayuu dhuxul kaga jawaabay su’aashii laga weydiiyey sababta uu madaxweynuhu saxaafadda uga warwareegayo.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaan wali Warbaahinta hor fadhiisan oo aan uga jawaabin Su’aalaha ay qabaan ama aan Khudbad u jeedin Shacabka Somaliland, iyadoo Mucaaradku wakhtigan ku tilmaameen inaanu Olole dambe oo doorasho gali Karin.

Wakhtiyada uu Madaxweynuhu ka soo noqdo Safarka ayaa Warbaahintu waydiisaa Su’aalo kooban oo inta badan Wasiiradiisu Wariyeyaasha Xakameeyaan mararka qaarna diidanba in wax su’aal ah la waydiiyo.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa su’aalaha saxaafaddu damacdo inay weydiiso waxa kaga gudban xubno wasiirro u badan oo saxaafadda haddida, kuwaas oo aan marnaba ogolayn inuu madaxweynuhu si toos ah uga jawaabo su’aalaha saxaafaddu weydiiso.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment