Wednesday, September 3, 2014

Dawladda Somaliland oo Beesha Caalamka ka dalbatay raali-gelin laga siiyo Gef iyo Meel-ka-dhac Qaranimadeeda loola badheedhay

“Somaliland waa dimuqraaddi, darafyaduna way sheegtaan tabasho, Dhexda (Beelaha Dhexe) qudheedu ma tabasho la’a, laakiin waxay u baahan tahay…”

Hargeysa, 03 Sept, 2014 (Himilo)- Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa beesha caalamka ka dalbaday raalli-gelin ay Somaliland ka siiyaan dhawaaq ay ka hadleen hawl-gal ciidamada Qaranku ka fuliyeen deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool, halkaas oo kooxda nabad-diidka ee Khaatumo ku qabsanaysay shir liddi ku ah jiritaanka qaranimada Somaliland.
Ergayga Gaarka ah ee Xoghaya Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Wakiillada Maraykanka iyo Midowga Yurub ugu magacaaban arrimaha Soomaaliya, ayaa war-murtiyeed si wada-jir ah uga soo saareen magaalada Nairobi ee dalka Keynya todobaadkii hore, waxay ku baaqeen inay Somaliland ciidamadeeda kala baxdo deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool.
cali yuusufGuddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md Cali Yuusuf Axmed, ayaa beesha Caalamku ku dhaliilay inay iska indho-tiraan xuquuqda Somaliland u leedahay sugidda ammaanka xuduudaheeda, waxaanu ugu baaqay inay raalli-gelin ka bixiyaan wax uu ku tilmaamay gef iyo meel-ka-dhac ay ula badheedheen Somaliland.
Guddoomiye Cali Yuusuf waxa uu Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Maraykaka u iftiimiyey in xuduudda Somaliland la wadaagto waddamada jeerkeeda aanay ahayn qaar wakhtigan gacanta lagu samanayo, balse ay tahay mid ka shidaal-qaadanaysaa khariiradda waddamada reer Galbeedku u sameeyeen qaaradda Afrika xilligii guumaysiga.
“Somaliland ilaa 1887-Kii way jirtey Xuduudkeedana waa la yaqaanay Ingiriiskan haatan ka hadlayna isaga iyo Talyaanigu way jeexeen, waana xuduud caalami ah oo la yaqaano. Ururka Midowga Afrka markii uu abuurmay Shirkii Qahira lagu qabtay waxa lagu heshiiyey xuduudaha Afrika inay ahaadeen in waddan walba maalintii gumaystuhu ka tegay halkii xuduuddoodu ahaa inay ahaadaan,” Sidaa waxa uu guddoomiye Cali Yuusuf ku yidhi Waraysi Gaar ah oo uu shalay xafiiskiisa ku siiyey Wariye ka tirsan Wargeyska Himilo.
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha wakiillada Somaliland Cali Yuusuf inaanay Somaliland marnaba ka suuro-gelin inay dhul cusub oo aanay lahayn sheegato, balse ka-talo-bixinta xuduudaheeda cidna u daba-fadhiisan doonin.
“Somaliland halkii uu ingiriisku kaga tegay Xuduudkeeda meel ka fog oo ay sheeganaysaa ma jirto, dhinac walba xuduudaha aynu Soomaaliya, Djibouti iyo Ethiopia la leenahay hal taako oo aynu ku durugnay ma jirto, laakiin dhulkeena cidna uga daba fadhiisan mayno, ciidankeenuna dhulkiisuu ku jiraa, ciidan dhulkiisa jooga cidda tidhaahda haka baxo waa gar-darro, waana cid aan doonayn in dalkaasi dego oo uu nabad ahaado, meelkastana ciidanka Somaliland waxa uu ku tagaa dhaqan wanaagsan iyo inuu dadka taakuleeyo,” ayuu yidhi Md Cali Maxamed Yuusuf.
Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Wakiilladu, waxa uu beesha Caalamka ugu baaqay inay raalli-gelin ka bixiyaan wax uu ku tilmaamay gef iyo meel-ka-dhac ay Somaliland u gesteen, waxaanu yidhi, “Haddii ay Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa tahay iyo haddii ay waddamo gaar ah tahayba, waxan leeyahay Somaliland way ku gefeene raalli-gelin ha bixiyeen. Dadka Somaliland afti baa laga qaaday oo 97% ayaa ogolaaday, waxaana waajib ah inay taas ixtiraamaan oo qaddiriyaan.”
Dhinaca kale, waxa uu guddoomiye Cali Yuusuf ka hadlay tabashooyin beelaha darafyadu ka qabaan saami-qaybsiga dawladda
Dhinaca kale, Madax-dhaqameed iyo wax-garad ka soo jeeda gobollada Awdal iyo Selal oo todobaadyadii u dambeeyey socdaal ku jooga Hargeysa, ayaa madaxweyne Siilaanyo dhowaan u gudbiyey qoraal 11 bog ka kooban oo ay ku soo bandhigeen tabashooyin dhinaca awood-qaybsiga dawladda ah oo beesha ka muujisay saamiga ay ku leeyihiin hay’adaha dawladda. Sidaas awgeed, guddoomiye Cali Yuusuf oo wariyaha Himilo wax ka weydiiyey in gacmo shisheeye oo jiritaanka Somaliland liddi ku ah uga faa’idaystaan tabashooyinka beelaha darafyada mucaaradad iyo faro-gelin siyaasadeed oo khal-khal ka dhalin kara dalka, waxa uu ku jawaabay,
“Somaliland waa dimuqraaddi, darafyaduna way sheegtaan tabasho, Dhexda (Beelaha Dhexe) qudheedu ma tabasho la’a, laakiin waxay u baahan tahay in si wanaagsan wax loo sheegto, madaxweynuhuna diyaar buu u yahay inuu dhegaysto wixii tabasho ah ee garawshiyo leh, waxna wuu ka qabanayaa,” ayuu yidhi Cali Yuusuf.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment