bani’aadamniyada ka soo horjeedda oo ay lacag kaga raadinayaan Waddamada Yurub!
Hargeysa, 03 Sept, 2014 (Himilo)- Ciidammada Badda ee dawladda Taliyaaniga, ayaa la shaaciyey inay qayb ka noqdeen dhibaatada baaxadda leh ee ay la kulmaan Tahriibayaasha Afrikaanka ee naftooda u biimeeya beegsiga waddamada Yurub si ay u helaan nolol ka duwan ta ay ku haystaan dalalkooda hooyo ee ay indhaha ka laliyeen.
Tahriibayaasha ayaa halista iyo rafaadka ay Saxaraha kula kulmaan ay u dheer tahay ta Badda dhexdeeda ku hesha oo hadda la sheegayo inay ilaalada Xeebaha Talyaaniguna iyagu kaba qayb yihiin sababaha ay u degaan Doonaya aan tayada badan lahayn ee ay Biyaha Badda ku dhex-maraan Muhaajiriinta reer Afrika.
Ciidammada Badda ee Talyaaniga, ayaa sheegay in Kooxaha badbaadadu ay samato-bixiyeen Soomaali badan oo Badda dul-heehaabayey, ka dib markii Doon ay saarnaayeen kula xumaatay Badda, kuwaasoo ay heleen Ciidanku iyagoo Biyaha Badda dul-sabbaynaya, waanay xidheen sida ay Baahisay Wakaaladaha Wararku. Labaatan kale oo Soomaali Sharci-darro ku tahriibayey ayay badbaadiyeen.

Dawladda Talyaaniga ayaa Lacag badan Midawga Yurub iyo Hay’adaha caalamiga ah kaga heli jirintay badbaadinta Tahriibayaasha Afrikaanka ah ee beegsanaya dalalka Yurub oo uu Talyaanigu yahay illinka ama albaabka koowaad ee ay ka galaan, isla markaana uga sii gudbaan Yurubta kale.
Hase-yeeshee, dawladda Talyaaniga, ayaan ku guulaysan inay hesho Lacag Malaayiin Doollar ah oo ay Midawga Yurub ka dalbatay oo la xidhiidha ka hor-tagga iyo badbaadinta Muhaajiriinta Qaaradda Afrika ka tegaya, waxaana taa beddelkeeda lagu eedaynayaa inay Ciidanka Badda ee Talyaanigu bilaabeen la-dagaallan toos ah oo ay la galeen Tahriibayaasha iyaga oo la sheegayo inay mararka qaar dejiyaan Doonyaha yar-yar ee ay Tahriibayaashu ku marayaan Badda, halka ay muujiyaan inay u gurmadeen ama ay soo badbaadiyeen, markay qaybo ka mid ah dadkaas nolol ku geeyeen Xabsiyadooda, taas oo noqonaysa farsamo hor leh oo Talyaanigu indhaha Caalamka gaar ahaan kuwa Yurub ugu soo jeedinayo xaaladda tahriibayaasha ku safraya badda u dhaxaysa Afrika iyo Yurub.
Waxaanay tallaabadani ku soo korodhay dhibaatooyinka faraha badnaa ee ay hore ula kulmi jireen Muhaajiriinta Afrikaanka ahi, kuwaasoo isugu jiray dhibaatooyin ay kuwooda Saxaraha maraa waajahaan, garaacis, jid-dil, jajabin, bixinta Madax-furasho kumannaan Doollar ah iyo sidoo kale, ta ay Badda kula kulmi jireen marka laga daadiyo Doonayaha ay ku safreen ee ay lacagta ka bixiyaan ama ay la xumaadaan amaba ay Badda dhexdeeda kula degaan, balse tan waxa la sheegayaa inay tahay mid awood ay Ciidanka Taliyaaniga ee Baddu ugu adeegsanayaan inay badda dhexdeeda ku dejiyaan Doonayaha ay saaran yihiin, sida lagu sheegay warbixin laga diyaariyey baadhis lagu sameeyey hawl-gallada ilaalada Xeebaha Talyaanigu ku badbaadiyaan tahriibayaasha Afrikaanka ah, taas oo lagu baahiyey Diplomat News.
Geesta kale, Doonni sidday 120 qof oo Soomaali badan, ayaa Axaddii toddobaadkan ku degtay Badda Liibiya intaanay dhinaca Talyaaniga u gudbin, taasoo ay 97 Ruux ku dhinteen, 23 saddexdu Haween yihiin-na ka badbaadeen, waxaanu shilkaasi yimi ka dib markii ay dadka Doonta ku wada safrayey isku dhex-laayeen gudaha Doonta iyagoo markaa wax yar ku guda-jiray Safarka ay Xeebaha Liibiya kaga dhaqaaqeen, sida ay sheegeen dadka laga soo badbaadiyey qaarkood.
Aadan Cali Cawil oo ku sugan magaalada Tripoli ee xarunta waddanka Liibiya oo sheegay inuu isagu ka hadhay oo aanu raacin Doontaas, balse la kulmay dadkii ka badbaaday qaarkood, ayaa Hadhwanaagnews u sheegay sida wax u dhaceen, waxaanu yidhi; “Waxa doonta saarnaa 120 qof oo Tahriibayaal ah, 97 qof, ayaa ku dhintay Badda Libiya, 23 way badbaadeen, 3 baa Dumar ah, laba Hablood baa reer Burco ah Gabadha saddexaadna waa reer Muqdisho, Doonta qalabkeedu ma xumayn ee waa la isku dhex-laayey Doonta, markii la isku dhex-laayey-na wuxu way dalooshantay.”
Dadkan Doontu Liibiya kula degtay waxa ku jiray dhalinyaro badan oo reer Somaliland ah, kuwaasoo ka kala tegay inta badan sida la sheegay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama iyo magaalooyinka kale ee dalka qaarkood.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment