Monday, September 8, 2014

Hay’ad Caalami ah Oo Ciidanka AMISOM Ku Eedaysay Inay Ku Tacaddiyeen Haweenka Soomaaliyeed

Washington:Sep,08,2014(Himilo)-Hay’adda Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha u doodda, magaceedana la yidhaahdo Human Rigths Watch, ayaa ayaa saartay Warbixin dheer oo ay kusoo bandhigtay Tacaddiyo Ciidanka AMISOM u geysteen Haween waynaha Soomaaliyeed eek u dhaqan Goobaha ay Joogaan.

human rigWarbixinta Human Rights Watch oo ka kooban 71-bog ayaa lagu shaaciyey inay ciiddanka AMISOM tacadiyo kufsi ah u geysteen haween Soomaaliyeed oo ku nool magaalladda Muqdisho.

Warbixinta Human Rights Watch ayaa Hal-ku-dheg looga dhigay “Sida ay raggani nooga awood badan yihiin”, waxaana Warbixinta lagu xusay wareysiyo lala yeeshay 21-haween oo ay ku jireen gabdho curdin ah, kuwaasi oo ay AMISOM kufsadeen tan iyo sannadkii 2013-kii.

Wareysiyadaasi ayaa waxay haweenkaasi ku xaqiijiyeen inay ciiddan ku sugan laba saldhig oo ay AMISOM ku leedahay magaalladda Muqdisho kula kaceen Tacadiyadaasi, xilli ay goobahaasi u tageen inay ka helaan biyo iyo daawooyin.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inay ciiddanka AMISOM u adeegsadaan kaalmo-siinta haweenka baahan, si ay ugu galmoodaan.

Dhinaca kale, Warbixinta Human Rights Watch waxay kula talisay Ururka Midowga Afrika “AU” iyo Hawlgalka AMISOM inay wax ka qabtaan hab-dhaqanka gurracan ee ay Ciiddanka AMISOM kula kacaan haweenka Soomaaliyeed ee Saldhigyadooda u doonta daawooyinka iyo biyaha.

Boqolaal Haween danyar ah oo at carruur ka xanuunsanayaan, ayaa had iyo jeer daawooyin u raadsada Isbitaalka Guud ee AMISOM ku leeyihiin nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, oo la sheegay in Bukaanadda la siiyo daawooyin lacag la’aan ah.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment