Saturday, September 6, 2014

Kenya Oo Geerida Godane Darteed Heegan sare Gelisay Ciidankeeda

Nairobi:Sep,06,2014(Himilo)-Dawladda Kenya ayaa Ciidankeeda ammaanka Heegan sare gelisay kadib markii Maraykanku si rasmi ah ugu dhawaaqay Geerida Hoggaamiyihii ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

heeKenya ooh ore ciidankeedu u galeen Somali, isla-markaana Alshabaab la gashay Dagaalo fara Badan, ayaa ka cabsi qabta in kooxda Al Shabaab ay gudaha Kenya ka geysato weeraro aargudasho ah.

Inta badan hawlgalada amaanka Kenya lagu sugayo ayaa waxaa dhibaato badan kala kulma Soomaalida Kenya oo ay badhtilmaamsadaan ciidamada Booliiska Kenya.

Al Shabaab ayaa bishii September ee sanadkii hore weerar ay la beegsatay xarunta Ganacsiga ee Westgate lagu dilay dad ka badan 70 qof, waxaana bilihii lasoo dhaafay sii socday weeraro ka dhacayey dhul xeebeedka waqooyi bari ee wadanka Kenya.

Haatan waxa ay ciidanka ammaanku si weyn u baadhayaan dhammaan goobaha xuduuda dalkaas laga Soo Galo iyo Garoomada laga dhoofo, waxana hakad galay habsami-u-socodkii Gudaha Dalkaas arrintan daraadeed.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment