Saturday, September 6, 2014

Masarta Webiyada Leh Oo La Ildaran Koronto La’aan

Qahira:Sep,06,2014(Himilo)-Dalka Masar oo uu dhex maro Wabiga Biyaha Badan ee Nile-ka, aya muddooyinkan dambe la ildaran Koronto yaraan soo foodsaartay oo caqab ku noqotay Nolosha Dadka Caadiga ah iyo shaqada Xafiisyadaba.

egeMadaxweynaha Inqilaabay Madaxweynihii La Doortay ee Sisi oo Arrintan ka Hadlay ayaa sheegay in dhaqaale la’aan sabab u tahay Nal La’aanta Dalkaasi Haysta Maalmahan.

Khudbad laga sii daayay telefishinka ayuu madaxwaynaha Masar Al-Siisi digniin u jeediyay dadka dhigaya dibadbaxyada lagaga cabanayo koronto la’aanta taagan, isagoo tilmaamay in xukuumaddiisu aanay aqbali doonin dhibaatada dhanka tamarta ee jirta si qaloocan looga faa’iidaysto, lana abuuro jawi xasilooni darro ah.

Gobolada kala duwan ee dalkaasi Masar ayaa laga dhigay dibadbaxyo balaadhan oo ay dadku kaga cabanayaan koronto la’aantii ugu xumayd ee soo food saarta dalkaasi abid.

Dibadbaxayaasha Masaarida ah ayaa ku dhawaaqayay erayo liddi ku ah madaxwaynaha dalkaasi Cabdal fataax Al-Siisi, iyagoo ku baaqayay in uu xilka ka dego.

Dadka dhigayay banaanbaxyada cabashada ah ayaa ku baaqay in dadwaynaha Masaaridu ay isugu yimaadaan wadooyinka Qaahira sagaalka bishan si loo curiyo Kacaanka waxa ay ugu yeedheen adkaanshaha inta badan, iyadoo laga cabanayo dhibaatooyinka la xidhiidha nolol maalmeedka ee haysta dad badan oo ku nool dalkaasi Masar.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment