Wednesday, September 10, 2014

Madaxweynaha Maamulka Somalida Ethiopia Oo Isku Shaandhayn Ballaadhan kusameeyey Golihiisa Wasiirrada '

Jigjiga:Sep,10,2014(Himilo)-Madaxweynaha Maamulka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa isku shaandhayn baahsan ku saameyey Golihiisa xukuumadda, isagoo qaar cusubna soo kordhiyey, kuwo xilal hayeyna ka qaaday xilalkii ay maamulka u hayeen.

cabdi cuamrIsku-shaandhayntan uu madaxweynuhu sameeyey, ayaa kadambaysay kulan ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirradu, kaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Jigjiga.

Shirkan Golaha Wasiirada Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo uu shirgudoominayay Madxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa kadib waxa uu soo saaray wareegto, Hadaba iyadoo dhamaystiran ayay u dhignayd Sidan:

C/risaaq Saxane oo hore u ahaa Maayirka maamulka Magaalada Jigjiga wuxuu noqday Komiishineerka Booliska DDSI

C/wahaab Rashiid oo ahaa maareeyaha Horumarinta Webiyada iyo Dooxooyinka wuxuu noqday Maareeyaha Kulliyada Cabdul-majiid(TTC)

Cabdi Xuseen(Sonkor) oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Wuxuu noqday Wasiirka Cadaalada

Guleed Aw Cali oo ahaa Maareeyaha Xafiiska Naqshada iyo Dabagalka Biyaha wuxuu noqday Kuxigeenka Beeraha

Yaasiin Cumar oo ahaa kuxigeenka Dakhliga kuxigeenka Beeraha

Maxamed Cabdi Xasan(Dhoodhe) oo Hore u ahaan jiray Guddoomiyaha Degmada Wardheer wuxuu noqday Kuxigeenka Hogaanka Nanabd-galyada iyo Cadaalada

Cumar Siyaad oo ahaa Wasiirka Dakhliga wuxuu noqday Maareeyaha Wakaalada Naqshada iyo Dabagalka Biyaha

Maxamed Cabdi Mawsar oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Nogob wuxuu Noqday Guddiga Dabagalka Xafiiska Madaxweynaha

Cabdi Geedi oo ahaa Gudoomiyaha Deg Jigjiga wuxuu noqday maareeyaha Wakaalada Dakhliga

Cabdicasiis Maxamed Cumar oo ahaa madaxa Maaliyada degmada Raaso,wuxuu noqday ku xigeenka Dakhliga

Cabdifataax Sheekh Cali Caafi oo ahaa madaxa dabagalka Xafiiska maamulka wuxuu noqday ku xigeenka Dakhliga

Mudane Wacays Xasan oo ahaa hormuudka Kulliyada TTC waxaa loo bedelay kuxigeenka TTC Qaybta Academic

Ilyaas Abiib oo ahaa ku xigeenka hormuudka TTC wuxuu noqday ku xigeenka TTC Dhinaca maamulka Maaliyadda

Maxamed Ibraahin Cabdilaahi Dabagalka Maamulka kuxigeenka Nabad-galyada iyo Cadaalada

Guleed Muxumed hore u ahaa kuxigeenka Waxbarashada kuxigeenka Wakaalada Dhismaha arimaha biyaha

Axmed Maxamed Shukri la-taliyaha Madaxa arimaha Xidhiidhka Dadwaynaha kuxigeenka waxbarashada

Bashiir Axmed aadan waxaa la geeyay Madaxa Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka.

Irshaad Cali Nuur Agaasinka Wakaalada cabashooyinka kuxigeenka cadaalada

Subeer Cabdilaahi Axmed Proces owner maamulka madaxa Wakaalada Iibka iyo Dhismaha Adeega Gaarka ah

Aamiin Daahir Dabagalka Maamulka la-taliyaha wakaalada Warbaahinta

Cabdi-kuus Cabdilaahi Saleebaan kuxigeenka la-taliyaha madaxwaynaha Xidhiidhka dadwaynaha

Cali Ugaas Cabdi Kuxigeenka Wakaalada dakhliga wuxuu noqday kuxigeenka iskaashatooyinka

Faarax jaamac yuusuf Gud Deg afdheer kuxigeen

Cabdirisaaq Dayib Kuxigeenka Xeerilaalinta wuxuu noqday kuxigeenka wakaalada Dhismaha

 

Gobolada:-

Maxamuud Xaaji Cumar oo ahaa Gud Deg Iimay Galbeed wuxuu noqday gudoomiyaha Gobolka Shabeele

Maxamed Axmed Badhcun oo ahaa Gud Deg dhagax-buur wuxuu noqday Gud Gobolka Afdheer

Cabdi Cali Mataan(Cabdi Ganay) oo ahaa Gud De-awaare wuxuu noqday Gudoomiyaha Gobolka Nogob.”

Himilo Media

 

 

No comments:

Post a Comment