Hargeysa, 10 Sept, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa bulshada Caalamka ku boorriyey inay Aqoonsato horumarka Somaliland gaadhay, ka dib markii uu shalay daah-furay baasaboorka Casri ah oo dalku yeelanayo.
Madaxweyne Siilaanyo waxa ku tilmaamay baasaboorka Cusub ee Somaliland mid tayadiisu aad u sarrayso isla markaana si casri ah loo farsameeyey, waxaanu beesha caalamka u soo jeediyey inay aqoonsadaan horumarka dalkiisu gaadhay.
Md Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu sidaas ku sheegay fariin kooban oo lagu baahiyey bogga uu ku leeyahay barta twitter-ka, taas oo uu kaga dareen-celiyey bandhigga baasaboorka casriga ah ee Somaliland yeelatay oo uu ku sifeeyey mid ka tarjumaya tallaabooyinka ay dawladdiisu u qaadday dhinaca horumarka.
“Waxaan furay maanta (shalay) Somalilad E-Passport oo si casri ah u samaysan. Waxaanu ku boorrinaynaa beesha Caalamka inay aqoonsadaan Horumarkagaya,” ayuu madaxweynuhu ku sheegay farriinta kooban ee lagu baahiyey bogga uu ku leeyahay twitter-ka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment