Tuesday, September 9, 2014

SHALAY: Maxaa kala qabsaday Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde?

“Waynu kala leenahay Xilka, wixii shuruuc khuseeya annagaa leh, waajib baanay idinku tahay inaad raacdaan. Waxa fulin ku tihiin oo fulinaysaan keliya waxa ka soo baxay Golayaasha Sharci-dejinta, ma jiro waxaad samaysan kartaan idinku..” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

 

“..Siciid-na saaxiib baannu nahay, baryo dhawayto ismaannaan arag. Laakiin, Xafiiskayga iyo Aqalkayguba waa u furan yihiin! Aad iyo aadna waxaan u jeclahay in arrintaasi...” Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde

 

bb maxa kala qabsadeyHargeysa, 09 Sept, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kana tirsan Xildhibaannada Xisbiga KULMIYE ee laga soo doorto gobolka Saaxil, ayaa Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay hor-yimi fadhigii Golahaas ku weydiiyey su’aalo darandoorri ah oo shaqada iyo awoodaha khuseeya, isla markaana u iftiimiyey qodobbo sharci, isagoo ku dooday in la laalay Xeerka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka oo Xukuumaddu Wakiillada u gudbisay dhawaan, ka dib markay ku lifaaqday curinta Xeerka diiwaangelinta Muwaaddiniinta oo aan hore u jirin.

Wasiirka arrimaha gudaha Mr. Waran-cadde, ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiillada oo u yeedhay waxa uu warbixin ka siiyey Xeerarka diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta cod-bixiyeyaasha doorashada, sida aanay isu saamayn doonin iyo inuu maanta ahaanba bilaabi doono guda-galka hawsha diiwaangelinta Madaniga ah oo uu ka taagan yahay khilaaf u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ah oo ku doodaya in doorashada iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ay Xukuumaddu dib ugu dhigayso guda-galka diiwaangelinta Madaniga ah.

Markii uu Wasiirku Warbixintiisa dhammeeyey waxay Mudanayaashu weydiiyeen su’aalo kala duwan, haddaba su’aalahaas ka hor waakan Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo muujinaya gal-daloolooyinka sharci iyo kala lahaanshaha awoodaha sharcigu kala siiyey Golayaasha Qaranka. “Waynu kala leenahay Xilka, wixii shuruuc khuseeya annagaa leh, waajib baanay idinku tahay inaad raacdaan. Dalkeennu waa dimuquraaddi, hubin iyo isu-dheellitir, sharci-dejin baannu nahay, waxa keliya oo fulin ku tihiin oo fulinaysaan oo keliya waxa ka soo baxay Golayaasha Sharci-dejinta, waxaad samaysan kartaan keligiin ma jiro, taasi waa iga ogeysiis.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Waxaanu intaas sii raaciyey; “Ta labaad waxa weeye, Xeerkan waan idiin sheegayaa, anigaa Guddoomiye ka ahaa Guddiga arrimaha gudaha ee Golahaan ahaa, mar baynu ku galnay doorashada, waa la laalay, hadda waa Xeerka Cod-bixiyeyaasha doorashada guud ahaan waa la laalay. Kan kale (Diiwaangelinta Madaniga ah) way ku qoran tahay oo waxa la leeyahay waa in ninku muwaaddin noqdaa, laakiin-se Muwaaddin siduu ku noqonayey iyo Shuruudihiisii, goobihii kaadhadhka muwaaddiniinta laga qaadanayey, waxaas oo dhan iyo dhammaystirkiisa salla-calee Xeerkan immika aad keentay weeye Wasiir. Kelmad meel ku taalla oo waajibinaysa in dhalasho la qaato ha ii soo qaadan, laakiin waxa weeye xeerkan aad immika keentay ayaa dhammaystiraya.”

“Haddii aan taada kuu raaco guud ahaanba waa la laalay Xeerkan, illeen Shuruucdu halkan bay ka soo baxdaa Wasiir oo waxa laga yaabaa La-taliye Sharci baad u baahan tahaye, diiwaangelintii hore ee Cod-bixiyeyaasha ee 2008 laga qabtay dalka guud ahaan waa la laalay, Goleheenan baa laalay, Mooshin baa lagu keenay. Immikana waxa weeye horta sharciyan labadaas Xeer ee aad noo keenteen Xukuumadd ahaan ayuun baa sharci ah. Mid uun baad-se adigu hor-dhac ku samaysay oo Sharcigu marku fulo waar Golayaaloow deddejiya arrin baa innoo yaalle waa meel, Berritaan bilaabayaa meesha ka saar horta.” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid.

Intaa ka dib Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu su’aalo kala duwan weydiiyey Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, waxaanay su’aalihiisu u dhaceen sidan:- “23 Sannadood baynu dawlad ahayn, Caalamka inaynu gaadhno waadigan yidhi waynu gaadhaynaaye sife ayaa lagu gaadhaa caalamka. Waddamada caalamku waxay wax ku hoggaamiyaan siyaasad cad oo Barnaamij ah oo gobollada la keeno, maanta gobolladeenna qaar way innaga maqan yihiin oo maamulladu ma gaadhin, dadkaagi wax bay tabanayaan oo gobollada Sool, Sanaag-Bari iyo Buuhoodle tabasho shacbiga ah baa ka jirta waana shacabkeennii, doorasho kastana way ka hadhaan, maantana arrin baynu dedejinaynaa, maalin walbana weerar baa lagu qaadaayoo waa laga soo  baxaa, dalkana adigaa Wasiiru-daakhili u ah, adigaa dee Madaxweynuhu kuu igmaday, annaguna inaannu taageerno oo hadday barnaamij tahay iyo hadday talo tahay-ba lagugu taageero weeye, Barnaamij cad oo Qaramaysan illeen arrinku arrin yar maahe’e oo aynu gobolladeennaa iyo dadkeennaa ku hanannaa ma innoo yaallaa, mase ku talo-jirtaa?”

“Golahani awooduu leeyahay, hadba annagu waxaannu iska qaadnaa waa meesheeda, haddii konton tacbaan noqdo oo ay awoodda iska qaadaan taa iyada ma sheegin, laakiin-se waxa weeye annagaa daba-galka Xukuumadda iyo dawladda dhexe xaq baannu u leenahay hadday dhaqaale tahay iyo hadday xil tahay-ba, ILLAAHAY hanna garansiiyo kuwa dambaa garan doonaan u malaynayaa awoodahaase. Xildhibaan caalamka kale marka la arko, Salla-calee Bisadahaa istaaga.! Halkan Maayerro ayaa loogu yeedhay, Guddiyadayadii qaar baa shaqaynaya qaar waa iska-salla-celeeye Guddiga Musuqmaasuqu doorkan way shaqaynaysaa waxaanay u yeedhay Maayerrada, amar baa lagu siiyey Maayerradii inaanay Guddigaas u tegin, immikana waadigii sheegayey ee lahaa Maayerradu anigay i hoos-yimaaddaan, markaa amarkaa ma adigaa bixiyey Wasiir?”

Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa su’aalahaas wada-jirka ah ee uu Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble weydiiyey kaga jawaabay isla fadhigaas shalay, isagoo siday u kala horreeyaan uga jawaabaya su’aalahaasna waxa uu yidhi; “Ciidanka waxa ka horreeyey Caqli, waxa ka horreeyey maslaxad, waayo? Dalka ay sugayaan nabadgelyadiisa maaha dal shisheeye ee waa dalkii dadku lahaa, sidaas aad sheegtay tabashooyin baa jiray maaddaama oo dalkoo burburay dawlad laga dhisay, wax badan buu dadku tabanayay muddadaa dhawr iyo labaatanka sannadood ah, dawladihii kala dambeeyey ee Somaliland ee maanta tan aan ka midka ahay u dambayso waxay ku dedaaleen si xigmadi ku jirto, oo aan dagaal ahayn oo aan in dhiig lagu daadiyo ahayn oo is-qancin ah inaynu ku gaadhno xuduudaha. Allaah mahaddii way innoo suurtagashay taasi, waynu ku dedaalnay, waynu yaraynay khasaaraha dhinac walba ha ahaado.”

“Maanta waxaan kuugu bushaaraynayaa inaynu xuduuddii u shisheeyey aynu taagannahay oo ay Somaliland taagan tahay, dibna looga soo noqon maayo, sidaasaynu ku difaacaynaa dalkeenna, aynu ku kala horreyno, laakiin waan u simannahay, Madaxdii Qaranka ayaynu wada nahay talo iyo tusaale-ba waa la idinku leeyahay in la idinka qaato. Waxaynu ku xallinaynaa waxa dhiman wanaag, wadahadal, is-qancin iyo in tolliimada ummaddan ka dhaxaysa aynu muujinno haddaynu Qaranka Somaliland nahay ayaynnu diyaar u nahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde oo sii watay jawaabta uu ka bixiyey su’aasha Xildhibaanku ka weydiiyey gaadhista xuduudka iyo qorshaha Qaran ee uga yaalla wax-ka-qabashada tabashada Shacabka Sanaag-bari, Sool iyo Buuhoodle.

Wasiir Waran-cadde oo sidoo kale ka jawaabayey Su’aasha Mudanuhu ka weydiiyey dhinaca awoodaha Golaha Wakiillada iyo Xukuumaddu kala leeyihiin waxa uu yidhi; “Arrinta awoodda Golaha Wakiillada aad iyo aad baannu u soo dhawaynaynaa, waa Gole aannu Ictiraafsannahay, waa Gole aannu shaqada wada leenahay, waa Gole aannaan kala maarmin, waa Gole aannu isku tiirsannahay, ixtiraam iyo inaannu siinno qaddarintooda ayaa waajib nagu ah, waanannu fulinaynaa, waana idin siinaynaa qiimaha aad leedihiin, Siciid-na saaxiib baannu nahay, baryo dhawayto ismaannaan arag. Laakiin, Xafiiskayga iyo Aqalkayguba waa u furan yihiin! Aad iyo aadna waxaan u jeclahay in arrintaasi meesha uga baxdo oo labada Gole ee Wasiirrada iyo Baarlamanku aanay noqon kuwa is-xinniya ama is-riix-riixa ee ay noqdaan kuwo Gacmaha is-qabsada noqdaan, sidaas bayu Qarankana wax ugu taraynaa.”

Su’aasha saddexaad ee Mudane Siciid Cilmi Rooble ka weydiiyey Wasiirka inuu bixiyey amarka Maayerrada Magaalooyinka dalku ku diideen hor-imadashada Guddiga dabagalka iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa iyo ilaalinta Hantida Qaranka, waxa uu kaga jawaabay Wasiirku oo yidhi; “Maayerradu waxa weeyaan waa sidaa aad sheegtay oo awoodo ayaynu kala leenahay, waxaanan soo dhawaynayaa awoodda Baarlamanka in la tix-geliyo, isla markaana waxaan idinka codsanayaa awooddayda in la tixgeliyo ka Wasiir ahaan iyo ka dawlad ahaan-ba, nidaam baa jira, qawaaniin baynu leenahay aynu ku kala haganno, haddii qawaaniintaasi idin siiso illaa biyo-tooniga (shaqaale-hoosaadka) ila shaqeeya inaad u yeedhaan diyaar baan u ahay, hadday-se idin siin weydo dee gacan-togaaleda iga daaya. Markaa, Xaaji (Xildhibaan) Siciid Kutubta (Shuruucda iyo Xeerarka) ayaynu isla eegaynaa haddaad xaq u yeelataan xaq baad u leedihiin haddaan xaq u yeesho inaad aniguun wax i weydiisaan..”

“Waayo? Anigaa masuuliyaddii haya, anigaa la igala xisaabtamayaa, anigaad igala xisaabtamaysaan hadday wax xumeeyaan iyo hadday wax wanaajiyaan-ba anigaad igala xisaabtamaysaan, hadday-se sharciga ku jirto oo ay noqoto oo ay sharciga ku jirto inaad illaa xadkaas socon kartaan waa diyaar, haddiise aanay ahayn oo awooddu innoo kala xadaysan tahay waxaan jeclahay qolo walba inta awooddu siisay inay ku ekaato.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo sii watay jawaabta uu ka bixiyey su’aasha Maayerrada laga weydiiyey.

No comments:

Post a Comment