Tuesday, September 9, 2014

Dawladda Somaliland oo QM uga ashkatooday War-bixinno lagu duudsiiyo Xuquuqdeeda Qaranimo iyo Xaaladda dalka

aa rsNew York, 09 Sept, 2014 (Himilo)- Dawladda Somalilad, ayaa qaramada Midoobay u soo bandhigtay qorsheyaasha nabadeynta iyo isu-soo-dhawaynta shacabka ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag iyo sidii xal nabadeed looga gaadhi lahaa amni-darrada kooxaha nabad-diidka ahi ka wadaan deegaannadaa.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo socdaal shaqo ku jooga dalka Maraykanka, ayaa xarunta Qaramada Midoobay kulan saacado qaatay kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Arrimaha Siyaasada Jeffrey Feltman oo ay ka wada-hadleen xidhiidhka dhexeeya iyo geeddi-socodka wada-hadallada u socda dawladaha Somaliland iyo Somalia. Waxa kale oo wasiirka kulamo la qaatay safiirrada Qaramada Midoobay u fadhiya waddamada Ingiriiska, Turkiga, Talyaaniga, Norway, Jabuuti iyo qaar kale, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Waxa war-saxaafadeedka lagu sheega in Wasiirka Khaarajiga oo uu weheliyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya danjire Maxamuud Jaamac Sifir, ay la kulmeen Mr Feltman oo si weyn u qaabilay, isla markaana uu Wasiir Biixi sharaxaad dheer ka siiyey horumarka kala duwan ee Somaliland gaadhay, kana codsaday in Qaramada Midoobay tixgeliso xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Somaliland iyo horumarka ay gaadhay isla markaana warbixinnada laga gudbinayaa noqdaan qaar ka tarjumaya xaqiiqada dhabta ah.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedka ka soo baxay wasaaradda Khaarajiga, waxa uu wasiirku kulanka warbixin kooban kaga siiyey xidhiidhka Somaliland la leeyahay maamul-goboleedka Puntland, talaabooyinka loo qaaday horumarinta iyo nabadgelyada gobolada Sool iyo Sanaag, wada xaajoodka u dhexeeya Soomaaliya iyo booqashadii uu dhowaan ergeyga Qaramada Midoobay ku yimi Hargeysa.

Waxa war-murtiyeedka lagu sheegay Wasiirka iyo xubnaha wehelinayey ay kulamo gooni-gooni ah la yeesheen Wakiilada rasmiga ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya waddamo ay ka mid yihiin UK, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Turkey, Italy, Sierra Leone iyoi Norway, isla markaana uu ka codsaday inay taageeraan qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Wasaaradda Khaatarajiga Somaliland ma caddeynin muddada uu wasiirka socdaalkiisa ku joogi doono dalka Maraykanka, balse waxa lagu xusay inuu jiro socdaal wasiirka wakhti kale ku tagi doono dalkaasi si loo kobciyo xidhiidhka kulamada uu la qaatay madaxda Qaramada Midoobay iyo dibloomasiyiinta uu la kulmay, kaas oo sii xoojintiisu muhiimad u leedahay Somaliland, sida lagu sheegay war-murtiyeedka.

“Helitaanka ictiraafka caalamka ee Somaliland  waxuu sahli lahaa iskaashi toos ah oo dhexmara QM iyo wadamada xubnaha ka ah si joogto ah,” sidaas ayaa lagu yidhi War-murtiyeedka ka soo baxay wasaaradda Khaarajiga Somaliland.

 

No comments:

Post a Comment