Ilamahan yar ayaa ka mid ahaa dad shacab ah oosi xun ugu waxyeeloobay Qaraxaas shalay, dhacay, waxana gaadhiga uu saarnaa ku dhawaa gaadhi AMISOM lahaayeen oo qaraxa lagu waday.Duniyo Maxamed Cali oo ah madaxa caafimaadka Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in waalidiin kamid ahaa dadkii qaraabada la ahaa dadkii ku geeriyooday ismiidaaminta ay isku qabsadeen ilmo yar oo jidhkiisu uu gubtay oo gabi ahaanba la garan waayay.
“Waxaa dhacday waalidiin ayaa isku qabsaday ilmo yar oo gubtay oo la garan waayay hooyadii haysatay ilmahaasi waxa ay sheegtay in iyada ay dhashay, waxaa ku qabsaday islaan qaraabo la’ah gabadh kale oo ku dhimatay qaraxa, laakiin ugu dambeyn waxaa la ogaaday gabadha dhimatay inuu la dhintay wiilkeeda oo dhabta ay ku haysatay oo midka nool ay leedahay hooyada haysata”Ayeey tidhi Duniyo Maxamed Cali madaxa Caafimaadka Isbitaalka Madiina.
Waa Dhacdo xanuun badan marka la eego in waalidiin ay isku qabsadaan ilmo yar oo gubtay, lana garan waayay muuqaalka saxda ah ee ilmahaasi, maadaama uu gubtay, da’diisana ay tahay 2-ilaa 3-sano jir oo muuqaalkiisa saxda la garan waayay.
Weerarkii Ismiidaaminta ee shalay ka dhacay Deegaanka Xaawo Cabdi oo Shabaab ay la beegsadeen ciidamada Amisom, ayaa waxaa khasaaro xoogan kasoo gaadhay dad shacab ah oo wadada ku safrayay, waxaana halkaasi ku geeriyooday dad gaadhaya ilaa 16-ruux, halka dhaawacana uu gaadhayo ku dhawaad 30-ruux.
Al Shabaab, ayaa weerarkaasi waxa ay ku micneeyeen mid ay ugu aargudayeen Hogaamiyihii Ururka Al Shabaab Axmed Godane oo Dowladda Mareykanka ay duqeyn dhanka cirka ah ku dishay 1-dii Bishan.
Weerarada iyo qaraxyada Shabaab ay la eegtaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, ayaa dhibaato waxa ay kasoo gaadhaa dadka shacabka ah ee masaakiinta ah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment