Sunday, September 7, 2014

Waran-cadde oo isku xidhay eedaynta Mucaaridka iyo Dacwad uu sheegay inay Soomaaliya ka gudbisay hirgelinta Diiwaangelinta Madaniga ah ee Somaliland

Hargeysa, 07 Sept, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay eedaymo ka soo yeedhay Xisbiyada Mucaaridka ah, taasoo ay ku sheegeen in Xukuumaddu ujeeddo dib loogu dhigayo doorashada Madaxtinnimada ee badhtamaha sannadka soo socda la filayo inay dalka ka qabsoonto ka leedahay hirgelinta diiwaangelinta Madaniga ah oo la filayo in dabayaaqada bishan ay bilaabanto sida Wasiirku sheegay.
WARANWasiir Waran-cadde ayaa isku xidhay eedaynta Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah iyo dacwad uu sheegay inay dawladda federaalka Soomaaliya u gudbisay caalamka oo ay ku dalbanayso inaan dadka reer Somaliland la diiwaangelin. Waxaanu Wasiirka arrimaha guduhu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa.
Diiwaangelinta Muwaaddiniinta Somaliland u dhashay iyo muhiimadda ay dalka, dadka iyo doorashooyinkaba u leedahay ayuu sharraxaad iyo faahfaahin ka bixiyey Wasiirku, waxaanu ydihi; “Diiwaangelinta Kaadhka dhalashadu waxa uu caddaynayaa in ay Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dal oo Jaar ah, markii hore waxa aynu haysan jirnay Taysaradii Soomaaliya oo macnaheedu yahay in aynu ku abtirsanno Soomaaliya, Maantana haddii aynu ka go’nay Soomaaliya waxa aynu qaadanaynaa Kii ahaa dhalashada Somaliland. Kaadhka dhalashadu qofka haysta waxa uu siinayaa xaq aanay lahayn dadka ajaanibka ahi.”
“Qofka Somaliland u dhashay waxa uu leeyahay mudnaan gaar ah, waxaana uu ka duwan yahay Bulshooyinka kale ee aynu jaarka nahay. Qofka Somaliland kasoo jeedaa waxa uu leeyahay xuquuq ay ka mid tahay xuquuqda Muwaaddinka, qofka sita kaadhka dhalashada uun baa Doorashada codayn kara. Laakiin, kii aan sidan maaha qof Somaliland u dhashay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cali Waran-cadde.
Sidoo kale, waxa uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu sheegay haddii aan la samayn kaadhka dhalashada in caalamka Somaliland moodayo in ay weli ka mid tahay dalkii burburay ee laysku odhan jiray Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Waxa laga maarmaan noqotay inuu qof welib yeesho kaadhka caddaynaya inuu yahay Muwaaddin u dhashay Somaliland sid caalamka intiisa kale u leeyihiin kaadhka aqoonsiga Jinsiyadda qofka.”
Wasiir Waran-cadde waxa uu ka hadlay hadallo ka soo yeedhay Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland oo Xukuumadda ku eedeeyey inay ujeeddo dib loogu dhigayo doorashada ka leedahay diiwaangelinta Madaniga ah, waxaanu yidhi; “Haddaba, runtii waxaan la yaabbanay Mucaaradka Somaliland oo yidhi; ‘yaan la diiwaangelin dadka oo lasiin kaadhka dhalashada Somaliland, iyada oo sharciguna dhigayo haddii aanu qofku Somaliland u dhalan, hadda waa marka aynu ka hadlayo Somaliland ee aan laga hadlayn Soomaaliya, waxa sharci ah qofka codaynaya doorashada inuu haysto kaadhkii jinsiyadda dhalashada Somaliland.”
“Soomaaliya waxa ka socota diiwaangelintii dhalashada oo koodii hore loo cusboonaysiinayo, waxaana ay Qaramada Midoobay baaq ugu direen Soomaaliya inaan Muwaaddiniinta Somaliland laga caawin in la diiwaangeliyo, iyaga oo qaata mooyaane dhalashada Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Cali Maxamed Waran-cadde.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo su’aalo ka weydiinaya arrimaha uu ka hadlay Xisbiyada Mucaaridka ah, waxa uu yidhi; “Waxaan markaas Saaxiibbadayda Mucaaradka ah weydiinayaa markaad leedihiin yaan la diiwaangelin qofka Muwaaddinka ah, ee hadda wax weliba diyaar u yihii, miyaanay ahayn Dayax iyo Dugsigu isku toosanaa, Miyaanay Raggan Mucaaradka ahayn Kuwa Shacabka Somaliland ka doonaya codka? Maxay ugu diiddan yihiin diiwaangelinta Shacabka? Maxaa isku kiin ekeysiiyay Ragga Xamar jooga iyo hadalkiinna Mucaaradkoow?.”
WARANWasiirka oo la kulmay Maayerrada Magaalooyinka kala duwan ee Somaliland, ayaa sheegay inay Maayerrada ka tashanayeen kana wadahadlayeen inay soo qiimeeyaan goobaha la dhigayo Sanaaduuqda Diiwaangelinta Madaniga ah, isla markaana ka soo talo-bixiyaan sida ay magaalooyinka uga wada suurageli karto diiwaangelintu.
Waxa uu ku dooday Wasiir Waran-cadde in cidda maqan ama ka soo gaadhi weyda inta diiwaangelintu socoto inay qaataan kaadhka dhalashada, ay u ballan-qaadayaan in ay dib ugu furi doonaan oo ay fursad lagu siiyo kaadhka dhalashada siin doonaan, balse aanay saamayn ku yeelan doonin diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashada iyo doorashada lafteeda.
Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu intaas ku daray in doorashada Cod-bixiyeyaasha doorashada la qaban doono December sida qorshuhu muujinayo, inta December 2014-ka ka horreysana ay dhammayn doonaan diiwaangelinta Madaniga ah. Wasiirka Daakhiligu waxa uu xusay in wada-tashi iyo wax-isla-eegis dhex-mara dhinacyada ay hawshani khusayso ka dib la bilaabi doono, la islana cayimi doona goobaha iyo meelaha ay ka qabsoomayso diiwaangelintu, balse aanay illaa hadda jirin qoraal ama war lagu cayimay goobaha diiwaangelinta oo uu Wasiir ahaan soo saaray.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment