Wednesday, September 3, 2014

Wariyihii Labaad Oo Maraykan ah Oo Kooxda Daacish Gawracday

Mousil:Sep,03,2014(Himilo)-Ururka Islaamiga ah Daacish, ayaa soo saartay muuqaal muujinaya wariye labaad oo maraykan ah oo ay gawracayaan toddobaadyo uun kadib markii ay wariye hore ku gawraceen ciraaq dhexdeeda.

garwWariyahan la gawracay ayaa magaciisa lagu sheegay Sotloff, waxana dunida laga daawaday iyadoo qoorta laga jarayo.

wariyahan ayaa lagu qafaashay sanadkii 2013 dalka Suuriya waxaa uu ka soo muuqday Muuqaal la mid ah mid ay bishii hore kooxda IS soo bandhigtay oo ahaa falkii lagu gowracay James Foley.

IS ayaa sidoo kale soo bandhigtay nin la sheegay inuu u yahay British, kaasoo ay ku hanjabeen inay dili doonaan. Markii James Foley la dilay ayaa hooyada dhashay Mr Stoloff waxay ka dalbaday hogaamiyaha Dowladda Islaamiga Abubakar Al-baqdadi in wiilkeeda la sii daayo oo xornimadiisa dib loogu soo celiyo.

Afhayeen u hadlay Aqalka cad oo lagu magacaabo Josh Earnest ayaa sheegay inay baadhayaan warkan xaqiijintiisa ee ku aadan dilka Wariyaha labaad ee Mareykanka u dhashay Steven Sotloff.

Mareykanka ayaa dhowrkii todobaad ee u dambeeyay qaadayay weeraro cirka ahaa oo ka dhan ah Kooxda IS waqooyiga dalka Ciraaq.

Kooxda IS ayaa hore uga digtay Mareykanka inuu sii wado fara gelinta weerarka xaga cirka ee Mareykanka ka wado Ciraaq, iyagoo dilkii Foley jawaab uga dhigay weeraradaas.

Dowladda Islaamiga Ciraaq iyo Suuriya ayaa ku sii baaheysa labada dal, iyagoo dhowaan qabsaday saldhig weyn oo ciidamada Cirka Suuriya ku lahaayeen Tabqa, waxaana kooxda dhinaca waqooyi Ciraaq kaga socda weeraro iyo duqeymo looga saarayo deegaanadii ay hore u qabsatay.

Ra’iisal wasaaraha UK David Cameron ayaa ku tilmaamay dilkan in uu yahay mid aad looga naxo oo ka baxsan bani’aadanimada. Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Britain ayaa sheegay in aanay ogeyn qof u dhashay dalka Ingiriiska oo afduub ahaan ay u haystaan xoogaga IS.

Mr Sotloff ayaa laga afduubtay meel u dhow Aleppo waqooyiga Siiriya bishii August 2013. Waxana uu u soo shaqeeyay Time magazine,Christian Science Monitor isagoo warbixinada ka soo diri jiray wadamada Masar.Libya iyo Siiriya.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment