Tuesday, October 14, 2014

Cudurka Ebola Oo Lagu Arkay Askari Askari Loosoo Waday Somalia

Free town:Oct14,2014(Himilo)-Mid Kamid ah Ciidamada Sierra Leoe oo loosoo waday dhinaca Somalia, ayaa lagu arkay xanuunka ebola oo Galbeedka Afrika lagu arkay.

tarSierra Leone ayaa qeyb ka ah ciidammada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, waxana ciidankani la doonayey in si degdeg ah loogu soo diro dhanka Somalia oo ciidamo kale ka joogaan.

Dowladda Sierra Leone ayaa sheegtay in la karantiilayo dhamaan guutadaasi heeganka u ahayd Soomaaliya dhacdadaasi kaddib.

Waa markii ugu horreysey oo cudurka Ebola ee ka dilaacay Sierra Leone uu saamayn ku yeeshay ciidammada nabadilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Dhawaan Dowladda Sierra Leone waxaa ay Midowga Afrika ka Codsatay in loo fasaxo Ciidamo qeyb ka ah Howlgalka AMISOM oo jooga Dalkaasi Sierra Leone.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment