Tuesday, October 14, 2014

Akhri Heshiis 12-qodob Ka Kooban Oo ay Maanta Kala Saxeexdeen Puntland iyo Dawladda Federal-ka Somalia

Muqdisho:Oct,14,2014(Himilo)-Nin somali ah oo kasoo noqday Dalka canada ayaa xalay Fiidkii hore masaajid ku yaalla Magaalada Muqdisho ku dhex gawracay nin kale oo Somali ahaa sida ay sheegayaan wararka aanu helaynaa.

eeeDhacdadan naxdinta leh, ayaa waxa ay Ka dhacday masaajid ku yaalla degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho, waxana sheekadaas si weyn saaka looga hadal hayaa gebi ahaanba Caasimadda.

Xilliga ninkan la gawracay ayaa ahayd salaaddii Cishaa’iga oo ninka la gawracay iyo man wax gawracayba ay ku wada tukanayeen Masaajidkaas.

Ninka dilka Geystay ayaa waxa lagu sheegay  magaciisa Siciid Xuseen Roggow(siciid roggow),iyadoo ilaa iyo Haatan aan la aqoonsan sababta dilkaasi u dhacay.

Ninka Dilka Geystay, ayaa isla markiiba la sheegay  inuu isku  dayey inuu baxsado, balse waxa qabtay ciidanka Booliska, waxana uu haatan ku xidhan yahay saldhig ku yaalla degmada Kaaraan.

Ninkan qurbejoogga ah ee dilkan geystay, ayaa lagu sheegay nin dhallinyaro ah lamana garanayo inuu ka tirsan yahay kooxaha mayalka adag iyo in kale.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment