Hargeysa, 07 Oct, 2014 (Himilo)- Safiirka dawladda Britain u qaabbilsan arrimaha Soomaalida Neil Wigan, ayaa sheegay inuu madaxda dawladda Soomaaliya kala hadlay sii-socoshada wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyey hakad ku yimi arrimo farsamo oo dawladda Madaxweyne Siilaanyo ku micnaysay caga-jiid dawladda Xasan Sheekh Maxamuud kaga war-wareegayso inay sii socdaan wada-hadalladu.
Safiirku waxa kale uu ka hadlay mawqifka xukuumadduu ka taagan tahay aqoonsi ay u fidiso Somaliland, isaga oo sheegay inay taasi ku xidhan tahay Heshiis Siyaasadeed oo dhex-mara dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya, ka dibna ay u gudubto hawshaasi dawladaha gobolka oo iyagana ay habboon tahay inay go’aan ka gaadhaan.Safiirka dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya Neil Wigan oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa shalay booqasho ku yimi magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaanay kulan la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Xafiiskiisa ku qaabbilay iyo Masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsan, waxaanay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo door ah oo la xidhiidha doorashooyinka Somaliland, xoojinta wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, xidhiidhka labada dal iyo qodobbo kale oo muhiim ah.
Kulankaas ka dib waxay Safiirka iyo Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ku wada-qabteen Shir Jaraa’id oo ay kaga hadleen muhiimadda kulankooda. “Waxaannu ku dedaali doonnaa sidii aannu wwliba intaas isaga sii dhawaan lahayn, oo ay ku jirto siduu Wasiirku sheegay muhiimada ay leedahay arrinta doorashooyinka 2015-ka, kuwaasoo aan ka rejaynayno inaan ka aragno xoojin dheeraad ah oo lagu xoojinayo hannaanka Dimuquraadiyadda Somaliland ay Tusaalaha wanaagsan ugu tahay meelo badan oo caalamka ka mid ah, iyadoo xoojinta Dimuquraadiyaddu tahay midda caddayn doonta Rabitaanka shacabka Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Safiirka Britain u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Neil Wigan oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Safiirka Ingiriiska u qaabbilsan arrimaah Soomaaliya mar wax laga weydiiyey sida uu u arko wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo dhawaanahan u muuqda kuwo gaabis ah iyo doorka ay ku leeyihiin maaddaama oo dalkooda ay ka bilaabmeen ugu horreyntii, waxa uu ku jawaabay; “Wadahadallada u dhexeeya Xukuumadda Somaliland iyo dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waa mid aannu si aad ah u taageersannahay, waxaanan gacan ka geysannay bilawgii wada xaajoodyada, dawladda Turkigana waxaannu wakhti xaadirkan gacan ka siinnaa sii socoshada hannaanka wadahadalladu u socdaan.”
“Arrintana waxaan dhawaan si aad ah ugala hadlay dawladda Federaalka ah ee Muqdisho, waxaanay i tuseen sida aadka ah ee ay ugu dheggan yihiin inay dib u bilowdaan wadahadalladu sida ugu dhaqsaha badan ee ugu suurto-galsan, annaguna waxaannu ku dedaalaynaa sidii aannu ugu dhiirri-gellin lahayn sidii ay hawshaas u sii wadi lahaayeen iyo sidii loo gaadhi lahaa is afgarad buuxa oo labada dhinca dhex-mara iyo wadashaqayn uga soo bixi lahayd shirkaas sida ugu dhaqsaha badan leh,” ayuu yidhi Ambassador Neil Wigan.
Sidoo kale mar Safiirku uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey Aqoonsiga Somaliland iyo doorka Ingiriiska waxa uu yidhi; “Ma arko wax dhibaato ah oo dhex taalla Xukuumadda Soomaaliya iyo dawladda Somaliland. Arrinta meesha aannu ka taagannahay aqoonsiga Somaliland, Arrintani waa mid u baahan heshiis Siyaasadeed oo la rabo inuu marka hore ka soo baxo dadka Soomaalida ah, marka xigtana u gudbo dawladaha gobolka. Laakiin, goor ay noqota-ba waxaannu jecel nahay inaannu xidhiidh fiican la yeelanno labada dhinac-ba, welina nooma muuqdaan wax dhibaato ah oo arrintaas ka jiraa.”
Dawladda Britain, ayaa Somaliland xilligii Afrika Gumaystayaashii Reer Galbeedku qaybsadeen Xukumayey muddo dhawr iyo Siddeetan Sannadood ah, ka dibna waxay Somaliland xornimada ka qaadatay Gumaysta Ingiriis 26 June 1960-kii, markaasoo ay shan cisho ka dib la midawday Koonfurta Soomaaliya oo iyaguna Gumaystihii Talyaaniga xorriyadda ka qaatay 1-dii Julay 1960-kii, waxaanay isku noqday dal la isku yidhaahdo Soomaaliya oo hal mid ah. Waxaanay Somaliland ku dhawaaqday inay Soomaaliya dalkii la isku odhan jiray gooni uga is-taagtay 18-kii May 1991-kii, welina aqoonsi buuxa kamay helin beesha Caalamka.
Beesha Caalamka, ayaa marka la soo hadal-qaado Aqoonsiga Somaliland isaga riixda dhinaca waxa ka dhexeeya dadka Soomaalida ah oo ay iyagu gudohooda heshiis ka gaadhaan, waa Somaliland iyo Soomaaliyee, iyo in Midawga Afrika marka labaad go’aan ka gaadhaan, ka dibna ay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland u gudbi karto caalamka kale.
Madaxweynaha Somaliland oo dhawaan khudbad ka jeediyey munaasibad ay ku qalin-jabiyeen Ardayda Jaamacadda Hargeysa, ayaa dawladda Xasan Sheekh Maxamuud ee fadhigeedu yahay Muqdisho ku eedeeyey inay ka war-wareegayso sii amba-qaadka wada-hadalladii u socday labada waddan, si ay uga hortagto wada-hadallada oo sii socdana ay ku kacayso ficillo ka dhan ah heshiisyo labada dawladood ku dhexmaray wejiyadii hore ee wada-haddallada, kuwaas oo nuxurkoodu ahaa inaanu dhinacn-dhinaca kale kula kicin xadgudub dhibaato u geysan kara sii socoshada wada-hadalada. Haseyeeshee, waxa ay dawladda Somaliland ku eedaysay madaxweynaha Soomaaliya inuu taageero dhaqaale iyo mid milatariba u fidiyo kooxda nabad-diidka ah ee Cali Khaliif hoggaamiyaha u yahay oo arrimo amni-darro ka geystay deegaamo ka tirsan gobollada Bariga ee Somaliland.
No comments:
Post a Comment