
Bayaan ka soo baxay Waasaaradda ayaa lagu xusay in Al-nacayn magaciisa lagu daray Liiska dadka lagu tuhunsan yahay inay taageeraan Kooxaha loogu yeedho Argagixisadda, waxaana la xanibay hantida u taallay Bangiyadda Britain.
Xayiraadaasi ayaa waxaa kaloo ka mid ah in la joojiyo hantida uu ku leeyahay gudaha dalka Britain iyo in laga hortago Bangi kasta oo Xafiis ku leh dalka Britain ee xidhiidh ganacsi la leh Alnucaymi.
Dowladda Britain waxay sheegtay in C/raxmaan Bin Cumayr Al-nucaym uu bil kasta u diri jirey Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Iraq lacag dhan 1.6 million oo Dollar.
Ra’isul-wasaaraha dalka Britain, David Cameron ayaa la sheegay inuu si kulul uga soo horjeedo in Liiska Argagixisadda lagu daro dadka lagu tuhunsan yahay inay taageeraan Kooxaha loogu yeedho Argagixisadda.
Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ayaa laga soo xigtay in C/raxmaan Bin Cumayr Al-nucaym uu maalgeliyo tiro Kooxo hubeysan oo ay ka mid yihiin Alshabaabka Somalia, Alqaacidada Iraq, IS iyo kooxo kale oo ka dhisan dalalka Bariga Dhexe.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment