
Xildhibaanada La Xidhxidhay, ayaa magacyadooda lagu sheegay Xildhibaan sakariye Aadan muuse iyo Xildhibaan Xamse Cabdi hirad, kuwaas oo wali xabsiga ku jira.
Mudanayaasha golaha deegaanka laascaanood ayaa Maayarka ku eedeeyey in aanu ogolayn in ay la xisaabtamaan, waxaanay sheegeen in uu saaka la balamay in uu fadhi u qabto, hase yeeshee uu hargeysa iska tagey.
Wasiirka nabadaynta goboladda bari cali sandulle oo ku sugan laascaanood ayaa la sheegay in uu amray xadhiga xildhibaanada kadib markii ay damceen in ay furtaan xarunta golaha deegaanka, iyagoo doonayey in ay sameeyaan mooshin xil la qaadis ah.
Toddobaadkan ayey ahayd markii uu muran kululi sidan oo kale uga dhex curtay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa, kaas oo sababtay inay xildhibaanadu u kala jabaan laba garab oo midiba midka kale eedo kulul u jeediyey.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment