Gudiga ayaa sheegay in sanad kadib markii ay warbixintii ugu dambeysay ay soo saareen in weli ay u muuqto in Beesha Caalamka gaar ahaan maal gashiga beesha caalamka ay ku sameeyeen ka midho dhalinta iyo wax kabadalka hanaankii Maamulka Dalka aaney weli guuleysan.Waxaana gudigu sheegeen in Somalia ay wali ka jirto xaaladii taagneyd xiligii kala guurka oo uu weli jiro Musuq Maasuq fara badan kala dambeyn la,aan iyo is xisaabin la,aan waxaana muuqata sida gudiga ay sheegeen in Ciidamada Amaanka ay wali aamin sanyihiin danaha qabaailada ay ka soo kala jeedaan.
Warbixinta ayaa tilmaamtay in arimahaani ay keeneen in ay sameysmaan kooxo isku xidhan oo ka awood badan xafiisyada rasmiga ee dowlada iyo wasaaradaha qaar.
Warbixinta ayaa sheegtay in arimahani ay keeneen Kursi jaceylka oo is biirsaday ay hoos u dhigtay taageeradii ay dadka u hayeen xukuumada talada haysa .
Waxaana sii korortay sida warbixinta ay sheeegtay qul qulatooyinka ka dhalanaya xifaaltanka beelaha kala duwan.
Dhinaca kale waxay warbixintu xustay in kasta oo taagerada dhaqaale iyo mida beesha caalamka loo kordhiyay Ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM isla markaana la dar dargaliyay Ciidamadii Amaanka ee Somalia iyadoo weliba la khafiifiyay Cuna qabateyntii hubka ay hadana weli muuqato in al shabaab ay yihiin halis jirta oo dhib ku haysa amaanka iyo Nabadda Somalia.
Dhinaca Arimaha Gudaha ayay warbixinta xustay in ay jiraan khilaafaad iyo Xiisado isa soo taraya oo halis ku ah Amaanka guud ahaan Somalia.
Dhinaca Musuq Maasuqa dowlada Fedralka ayaa warbixinta sheegtay in weli uu taagan yahay iyadoo gudigu sheegeen in ay u arkaan in meelaha qaar uu musuq maasuqa sii batay oo uu xadka goostay .
Waxaana gudigu ay sheegeen in ay ku qiyaaseen lacagaha lagu bixiyo wax ka baxsan wixii loogu tala galay in ay gaadhayaan ilaa %80 waxaana gudigu sheegeen in inta badan lacagaha la leexsado laguna bixiyo dano gaar ah iyo damac xisbinimo.
Warbixinta ayaa xustay in Xukuumada Fedraalka Somalia ay weli sii wado hanaankii wax is daba marinta dowladihii ka horeeyay waxaa kalo warbixinta ku eedeysay dowlada Fedraalka in tan iyo badhtamihii 2013kii ay sii kordhiyeen in ay saxiixaan heshiisyo iyo qandaraasyo qarsoodi ah oo aaney cid la ogeyn taasi oo albaabka u furtay sida warbixintu sheegtay lunsida hantida Qaranka.
Waxaa warbixnta gudiga QM si aad ah ugu dhaliishay xukuumada iyo Mas,uuliyiinteeda in ay si qarsoodi ah ay u saxiixaan heshiisyo ay ku bixinayaan dan guud oo umada u wada dhaxeeya taasi oo anu baarlamaanka iyo Shacabka Somaliyed aan la ogeyn.
Warbixinta ayaa tilmaamtay in ay jiraan kooxo iyo Xulafo si gaar ah uga macaasha muqus Maasuqa oo si ka baxsan hanaanka dowladnimo ugu takri fala awooda xukuumada.
Bangiga dhexe ee Somalia ayaa warbixinta gudiga QM sheegtay in uu %70 ku bixiyo lacagta Qaranka hanaanka loo yaqaano (Fadlan sii hebel Lacagtaasi) hanaankaasi oo ah mid baal marsan dowladnimada waxaana warbixinta sheegtay lacagtaasi la bixinayo ee Hanaanka Fadlanta lagu bixiyo aaney ku xusneyn Miisaaniyada Qaranka taasi oo micnaheedu tahay inaany Gudoomiyaha Bangiga dhexe waxba aanu ka ogaan Karin waxa lagu falayo lacagtaasi lala baxayo.
Waxaa kaloo warbixinta ay ugu dambeyntii sheegtay in lacagta soo gashay Dakadad Magaalada Muqdisho ay korortay laakin aan lawada geynin Bangiga dhexe oo ay si musuq maasmuq ah ku lunto lacagtaasi oo mid aad u badan ah oo ay ku qiyaaseen ilaa 5 Milyan oo dollar.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment