Hore wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa talaabo taasi la mid ah ku dhaqaaqay, balse wali dacwad ka socotaa, waxana Dalka Ingiriiska lagu guulaystay inaanay Xisaabaadkii shirkaddaha qaarkood ku lahaayeen aanay xidhmin.Arrinkani xawaaladaha la xidhayo ayaa caqabad weyn ku ah kumanaanka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Soomaaliya iyo xerooyinka qaxootiga, kuwaasi oo ehelkooda dibada jooga ay soo biiliyaan.
Dalka Maraykanka iyo Britain cabasho ay arrinkani ka samaysay Soomaalida ayaa keentey in dib loo dhigo go’aanka xidhitaanka akoonada xawaaladaha.
Sanad kasta Soomaaliya waxa ay dadka qurba-joogta ah u diraan illaa 2 balyan oo doolar, lacagtaasi oo xitaa ka badan gargaarka Soomaaliya la gaadhsiiyo iyo waliba dakhliga dalal badan oo Afrikaan ah.
Haddii xawaaladaha la xidho waxa ay noqon doontaa dhibaato culus oo aanan laga soo waaqsan doonin. waxayna keeni kartaa dhaqaale burbur ku dhaca qoysaska Soomaalida, iyada oo kor usii qaadi doona macaluusha iyo baahida gargaar ee Soomaalida.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment