
Afhayeenka waaxda dab-damiska ee magaalada Jeddah, Colonel Saciid Sarhan ayaa sheegay in dabka oo ay dadkaasi ku neef qabatoobeen uu ka kacay degmada Nazla Yamani.
Labada qof ee walaalaha ah ee dhimatay ayaa la sheegayaa in ay da’doodu u dhaxeysay 6 jir iyo 10 jir, halka qofka kale ee sadexaadna uu ahaa qof ay qaraabo ahaayeen oo 28 jir ahaa.
Afhayeenka waaxda gargaarka degdegga ah ee Maka ee magaaladda Jeddah, Cali Al Ghamdi ayaa isna xaqiijiyay in ay waaxdoodu halkaasi kasoo saartay maydka saddexda qof ee dhimatay.
Waaxda dab-damiska ayaa sidoo kale lix qof ka soo badbaadiyay dhismaha, inkastoo aanay jirin dad dhaawacmay, waxaana socda baadhitaanno lagu ogaanayo waxa dhaliyay gubashada guriga.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment