Friday, November 7, 2014

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismeyaal Cusub Oo Ay Hay’ada World Vision Ku Kordhisay Cisbitaalka Fistulahha Ee Boorama

Boorama (Himilo)-Wasiirka wasaarada Caafimaadka Somaliland Mudane Saleebaan Axmed Ciise (Xaglatoosiye) ayaa xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loogu talo galay haweenka laga daweeyo xanuunka Fistula oo ay maal galisay ha’yada World Vision isla markaana lagu kordhiyay Cisbitaalka heer qaran ee Fistulaha ee magaalada Boorama.
XAGLO TOOSIYE World Vision (1)Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen Saraakiisha ugu saraysa hay’ada World Vision, Madaxda gobolka, kuwa dagmada, dhakhaaatiir, culimaaudiin, salaadiin iyo daneeyayaal kale, ayaa ugu horayn ayaa waxa ka hadalay Dr. Ibraahim Siciid Qaws, waxaana uu u mahadnaqay hay’ada World Vision, isaga oo ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee ay cisbitaalkan ku aasaaseen, isla markaana sheegay in maanta uu yahay xarunta ugu balaadhan ee lagu daweeyo xanuunka Fistula ee ku taala dalka Somaliland.
Dr. Siciid Axmed Walhad oo isaguna ka hadlay ayaa waxa uu yidhi:- “Waxa aan cisbitaalkan aasaasnay sanadkii 2008-dii, waxaana aasaaskiisa keenay inaan dareenay duraafaha adag ee takoorka bulshada dhexdeeda ah ee ay ku nool yihiin haweenka uu asiibo xanuunka Isku-furanku, intii intaas ka dambaysay waxa aan ku qalnay haween kor u dhaafaya 1500 oo qof oo gabi ahaantoodba xanuunka ka bogsaday, bulshadana dib ugu laabtay, kuwaasoo ka kala yimid meelaha afka soomaaliga lagaga hadlo, waxa kale oo ka mid ah guulaha aan gaadhnay inaan xanuunka ka tirtirnay gobolada galbeedka dalka, isla markaana aan tababarnay jiil cusub oo bahda caafimaadka ah oo xanuunkan la tacaala iyo haween badan oo umulisooyin ah oo goobaha miyiga ah ee dalka ka hawl gala”

Dr. Wallhad waxa kale oo uu xusay inay wali jiraan baahiyo badan oo haysta cisbitaalkan waxaana uu yidhi “Waxa jirta baahi dhinaca biyaha ah mar haddii haweenayda uu asiibo xanuunkani ay u baahan tahay biyo badan oo lagu dhaqo ama ay isku nadiifiso, sidoo kale waxa aan u baahi qabnaa helida qalab casri ah oo dhakhtarkani ku shaqeeyo gaar ahaan mishiinada, hawada dhaliya ee lagu xidho bukaanka iyo kuwo kale oo lagama maarmaan ah, waxa aan meesha ka maqnayn in aan u baahi qabno abuurida mashaariic dhinaca cilmi-nafsiga ah oo bulshada ku celiya haweenka uu Fistula ku dhacay iyo kuwo kale oo dhinaca badhitaageerka dhaqaalaha ah, waxaana aan bulshada ugu baaqayaa in ay ka qayb qaataan taageerada joogtada ah ee uu u baahan yahay cisbitaalkani.

Nimco Iid Axmed oo ka socotay hay’ada World Vision ayaa iyaduna soo dhawaysay dhismahan maanta laga jaray xadhiga waxaanay tidhi “tan iyo 2006 ayay hay’ada World Vision ka shaqaynaysay dhinaca dawaynta iyo daryeelka haweenka qaba xanuunka Fistula, waxaanay la shaqaynaysay cisbitaalkan, waxaana noo farxad ah in aan maanta dhismaha Waadhkan ku kordhino xaruntan, waxaana aan ka marag kacayaa in hawsha uu hayo cibitaalkan Fistula ay tahay mid meel mar ah isla markaana ay taasi daliil u tahay inay xafladan nala joogaan haween da’yar ah oo ka bogsaday xanuunkan kadib markiii uu cisbitaalkani ka daweeyay”
Masuul ku hadlayay magaca hay’ada TAAKULO Somaliland Community oo waadhkan la dhisay qalabeeyay ayaa isna soo dhaweeyay ahmiyada uu cisbitaalkani leeyahay, waxaana uu ka markhaati kacay in baahida loo qabo in xanuunkan Fistula bulshada laga dabar jaraa ay tahay mid balaadhan oo ay soo dhawaynayaan.
Madaxa hay’ada World Vision ee Somaliland Kanchora Halake oo halkaasi ka hadlay ayaa ka marag kacay in guul laga gaadhay mashruucan dabargoynaya, dawaynaya iyo daryeelka haweenka uu ku dhaco xanuunka Fistula ah, waxaana uu intaasi ku daray inay aad ugu faraxsan yihiin wada shaqaynta ay la leeyihiin xaruntan, sidoo kalena ay mahad balaadhan u celinayaan deeq bixiyayaashii maalgaliyay dhismahan iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Salebaan Xaglo-toosiye oo uu xusay inuu yahay wasiir ay ka go’an tahay dardargalinta hawlaha dhinaca caafimaadka ah ee dalka ka socda.

Gabadh ka mid ah Haweenka laga daweeyay Xanuunkan Fistula oo iyaduna ka hadashay halkaasi ayaa ka marag kacday in maanta ay hayso rajo balaadhan oo hore uga qarsoonayd, kadib markii ay daryeel caafimaad ka heshay cisbitaalkan, sidoo kalena waxa ay si balaadhan ugu mahad naqday hay’ada World Vision oo ay xustay inay ka taageertay helitaanka adeegan caafimaad ee dib ugu noqoshadeedii bulshada iyo inay hay’ada World Vision siisay taageero dhaqaale oo ay ku noqoto qof mujtamaca dib ugu noqotay.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Maayar ku xigeenka magaalada Boorama Md. Maxamed Maxamuud Faarax, Isuduwaha Caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi, haweenay ka socotay Wasaraada Qorshaynta, iyo Badhasaab ku xigeenka Gobolka Awdal Md. Cabdiraxmaan Nuur Sugaal oo hadalka iska dabaqaatay ayaa u mahadnaqay hay’ada World Vision, waxaana ay soo dhaweeyeen dhismahan cusub ee ay hay’adu dhistay, sidoo kalena waxa ay umada ugu baaqeen in la taageero cisbitaalkan oo bulshada hawl muhiim ah u haya.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Axmed Ciise Xaglotoosiye oo hadalka qaatay ayaa yidhi “Xanuunkan Fistula waa xanuun aad u daran oo haweenka ku sababa inay bulshada ka dhex baxaan, waa xanuun niyad jab ku rida haweenka, sidaas awgeed ahmiyad gaar ah ayay noo leedahay xaruntan Boorama National Fistula Hospital, waxaana aan ku faraxsanahay inaan xadhiga ka jaro dhisme cusub oo lagu kordhiyay cisbitaalkan, aniga oo aanan marnaba iloobayn in aan u mahad naqo hay’ada World Vision oo cisbitaalkan dhismahan ku kordhisay, waxaana rajo balaadhan oo aan qabno in dhismaha waadhkani uu wax badan soo kordhin doono.

Wasiirka ayaa waxa uu madashaas shahaado sharafyo u taagan dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixiyaan adeegayada caafimaadka, gaar ahaan kan dhinaca Fistulha ah uu ku gudoonsiiyay saraakiisha hay’ada World Vision.

World Vision (6)World Vision (5)World Vision (2)Wabilaahi Tawfiiq
Abdale Ali Yusuf
Borama Awdal
+25224456820
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment