
Sidoo kale xubnaha Baarlamaanka Kenya ayaa ku taliyay in al dedejiyo go’aan ay dowladda Kenya ay gaadhay bishii aynu soo dhaafnay ee ahaa in iridaha loo laabo xerada Dhadhaab,Qaxootiga somalidana dalkooda lagu celiyo.
Sidoo kale Barlamanka ayaa si cadhe leh usheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan somaliya looga soo daadgureeyo ciidanka difaaca Kenya oo Somaliya la geeyay sanadkii 2011.
Hore ayaa madaxweynaha Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda Peter Tomka uu ushaaciyay in 13 July 2015 ay tahay waqtiga kama dambeysta ah ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya laga doonayo inay soo gudbiyaan doodahooda ku saabsan lahaanshaha dhul badeedka la isku haysto, oo la xaqiijiyey in laga helay lix ceel oo shidaal ah.
Peter wuxuu sheegay in labada dowladood laga doonayo in ay buuxiyaan dhammaan faylasha muhiimka u ah dacwadda inta u dhaxeysa 13-ka July 2015 ilaa 27-ka May 2016, iyadoo waqtigaas wixii ka dambeeya la billaabi doono dhageysiga dacwadda.
Waxaa jira 1972 sharci soo baxay oo ahaa in bada somaliya ay tahay 200 Nitric Miles taasoo ilaa iyo hada laga heli karo wabsit-ka xafiiska UN uqaabisan xaga badaha oo fadhigooda yahay magaalada New York.
Warkaan kasoo baxay Parlamanka dalka Kenya ayaa kusoo Beegmaya iyadoo dowladdaha somaliya iyo Kenya uu ka dhexeyay muran xaga bada.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment