Hargeysa, 11 Nov, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in sannadka cusub qiimayn lagu samayn doono Madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, lagu xaqiijin doono inuu gaadhay heerka Madaarrada Adduunka, isla markaana waxa uu jawaab kulul ka bixiyey hadallo dhalliilo ah oo kaga yimi Mucaaridka, dhalliilahaas oo uu ku tilmaamay kuwo ay ku dafirayaan tallaabooyinka horumarineed ee Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo dalka ka hirgelisay intii ay talada haysay.

Waxaanu Wasiir Maxamuud Xaashi tilmaamay inaanay dhib ku ahayn Mucaaradadda iyo guhaadda kaga socota kooxaha kasoo horjeedda Siyaasadda Madaxweynaha Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, waxaanu yidhi; “Qariibsan mayno in Ragga qaarkii oo Afmiinshaariin ah iyo dad damac siyaasi ah lihi ay wax-qabadkayaga madoobeeyaan, waxaase aannu leenayay waar Cadceedda Sacab laguma qarin karo, wixii aannu dhisnay ee Wasaaradahaas nool-nool ee aan illaa Ingiriis la dhisin lama qarin karno.”
Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu ku adkaystay inay kalsooni ku qabaan shacabka dalka, isagoo sheegay inay qirayaan wax-qabadkooda, isla-markaana aanay kala bakhayli doonin inay maragga wax-qabadka u furaan, si kastoo qolyaha Mucaaradku farta ugu gudoyaan inay dacaayado aan caddeymo lahayn ku eedeeyaan, waxaanu yidhi; “Waar wixii ajaanibka iyo Beesha caalamku nagala bakayli weyday Bulshada Somaliland ee aannu u shaqaynayno habeen iyo maalin nagala bakhayli mayso, waxaana aannu leenahay Kuwa Buka ee Indhaha Daafku kaga dhacay ama danaha gaarka ah leh, bulshada aannu u shaqynaynaa waa bulsho abaalka taqaanna.”
Wasiir Maxamuud Xaashi oo ka hadlayey heerka uu taagnaa derejadda Madaarka Caalamiga ee Cigaal xilligii ay xilka la wareegeen iyo heerka uu manta marayo Ilaahay ugu mahadcelinayaan isbedelka ku yimi, waxaanu yidhi; “Madaarkeenna Caalamiga ah ee Cigaal derejada Labaad ayuu marayey heerarka qiimaynta Madaaradda caalamiga ah xilligii aannu la wareegnay, waxaannu marti u ahaa garoomo kale, oo dadkeennu markay soo dhoofaan ku soo nasan jireen, maanta Madaarka Cigaal, Illaahay mahaddii isagaa marti loo yahay oo dad badan oo Geeska Afrika deggan ayaa ku tiirsan oo uu qeybiyaa.” “Fannaanka Codka Macaan lama qarin karo, Ciyaaryahanka Laacibka ahna lama qarin karo, Sheekha caalimka ah ee cod-karka ah lama qarin karo, dawladda dadaasha ee dalkeeda iyo dadkeeda wax u qabatana lama qarin karo.” ayuu yidhi Wasiir Xaashi.
Wasiirka Duulista oo ka hadlayey heerka ka hor-taga halista Dabka ee Madaarka waxa uu yidhi; “Sannadka soo socda ee 2015-ka bisha koowaad waxa garoonkeenna lagu samaynayaa qiimayn, waxa ku samaynaysa Hay’ada caalamiga ah ee ICAO, waxaannu rejaynayaa inuu qiimayntaas uu galo kaalinta 10-aad (Category Ten), marka aannu kaalinta Labaad ka soo kacnay ee aannu heerkaas gaandhsiinnay waa is beddal weyn, waana tallaabo Qaramo badan oo aqoonsi haystaa aanay wali samayn, Dab-demiskeennaasi maanta waa heerka 9-aad, heerka labaadna waannu ka soo qaadnay, maaha wax maanta uu Maxamuud Xaashi afka ka odhnaynayo, wax ay shaqaalaha Wasaaradda duulistu iska leeyihiin maaha, Khoboradaas iyo Macallimiintaas tabobbaraya ayaa qiimaynaysa.”
Hargeysa, 11 Nov, 2014 (Himilo)- Maxamed Daa’uud Yuusuf oo ka mid ah suxufiyiinta ka hawl-gasha warbaahinta dalka, ayaa shaaca ka qaaday inuu ka qayb-qaadan doono isla markaana isu-sharrixi doono tartanka doorashada Golaha Wakiillada ee la filayo inay dalka ka dhacdo badhtamaha sannadka soo socdo.
Maxamed Daa’uud waxa uu hankiisa ka qayb-galka tartanka doorashada Mudaneyaasha golaha Wakiillada ku shaaciiyey qoraal uu saxaafadda ku baahiyey, kaas oo u qornaa sidan:- “Anigoo ah Maxamed Daa’uud Yuusuf, kana mid ah dhalinyarada reer Somaliland, waxaan doonayaa inaan saaxadda siyaasadda kusoo biiro, si aan dadkayga iyo dalkayga hooyo wax ugu qabto.
Anigoo ka duulaya doorka dhalinyarada Somaliland ku leedahay waxqabadka iyo horumarinta qaranka, in dhalinyaradu gaadhsiiso horumar la jaan-qaadi kara beesha caalamka ee horumartay, kuwaasoo a gaadhsiiyeen dhalinyaradooda waxbaratay.
Haddaba aniga oo ka mid ah aqoonyahanka dhalinyarada reer Somaliland ayuu hammigaygu ahaa intii aan kaalin-qaaday sidii aan dalkayga hooyo ee Somaliland aan uga shaqayn lahaa horumarkiisa, si uu u gaadho yoolka uu hiigsanayo ee uu ku xaqiijinayo inuu beesha caalamka ka helo aqoonsi diblomaasiyaddeed oo kaga mid noqdo dawladdaha adduunka.
Sidaa darteed waxaan shacbi-weynaha Somaliland u bandhigayaa hankayga siyaasaddeed inaan isu sharaxo golaha wakiillada Somaliland ee la filayo in doorashadiisu dalka ka qabsoonto haddii Alle ina gaadhsiiyo sannadka dambe ee 2015-ka.
Anigooshacbiga u ballan-qaadaya inaan ugu adeegi doono sinaan, caddaalad iyo waxqabad dhab ah oo la taaban karo.
Anigoo haddii Illaahay ila qabto xooga saari doono horumarinta arrimaha bulshada reer Somaliland, isla markaana kala dagaalami doona dib udhaca, qabyaaladda iyo waxkasta oo horumarkooda ka hor imanaya. “Dagaalkaygu waa dalka iyo dadkiisa oo barwaaqooba, asaagoodna la sinma”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment